4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 4 , 2020
Puntland oo xukun dil ah ku riday labo nin oo gabadh 14 jir ah u geystay kufsi iyo dil
 

Arbaco, November, 04, 2020 HOL) - Maxkamada darajada koowaad ee magaalada Bosaso ayaa xukun dil ah ku riday labo oo nin dhalinyaro oo kufsi iyo dil magaalada Bosaso ugu geystay gabadh dhalinyaro ah, kuwaas oo laamaha amnigu xalay soo bandhigeen.

Maxkamada ayaa qoyska marxuumada u xukuntay in labadaan nin loo mariyo qisaasta dilka ay u geysteen Naciimo Cabdi Maxamed oo ahayd 14 jir muddo qoyskeedu raadinayeen.

Dambiilayaasha xukunka lagu riday ayaa lagu kala magacaabaa Maxamed Cabdi Faray iyo cabdiraxmaan Maxamed  Isaaq.

Sida aan xogta ku helnay marxuumada oo kasoo jeeda qoysaska barakacayaasha ee Puntland ku nool ayaa qoyskeeda ugu war dambeysay markii ay ka safartay magaalada Garowe.

Maalmo kooban oo ay Bosaso joogtay ayaa xilli habeen laga afduubtay, kadibna waxaa loo geystay dil iyo kufsi.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]