4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 3 , 2020
Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo Kenya kala hadlay xiisadaha kala dhexeeya Soomaaliya
 

Talaado, November, 03, 2020 (HOL) - Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan, ayaa kulan la qaatay wasiirka arrimaha dibada Kenya Amb. Raychelle Omamo.

Kulanka oo ku dhexmaray aallada fogaanka araga, ayaa qeybo kamid ah warbaahinta Kenya waxay sheegeen, in wakiilka UN-Ka uu kala hadlay wasiirka arrimaha dibada Kenya, ilaalinta nabadda & amniga gobolka.

James Swan ayaa sheegay dowladda Kenya inay ka go’an tahay inay dajiso xiisadaha siyaasadeed ee sii kordhaya xilli Soomaaliya ay kusoo wajahan tahay doorashooyinkii barlamaanka iyo madaxtinimada.

“Kenya waxay muujisay sida ay uga go'antahay ilaalinta nabadda & amniga gobolka dhexdiisa,” ayuu yiri James Swan.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa xiriirkoodu aad u xun yahay, kadib markii dowladda Soomaaliya ay joojisay Qaadka Kenya, iyadoo loo aanaynayo in Kenya ay faro galin ku hayso arrimaha Soomaaliya.

Dowladda Kenya waxay horey u sheegtay in cidda ku guulaysata doorashada soo socota ay wada xaajood la billaabi doonaan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]