4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 29, 2020
Tababarihii hore cayaartooyada gobolka Hiiraan oo caafimaad u jooga magaalada Istanbul ee dalka Turkiga

 

Axad, November, 29, 2020 (HOL) -Waxaa magaalada Istanbul ee dalka Trukiga caafimaad u jooga tababarihii cayaartoydii gobolka Hiiraan ee bari-samaadkii. 

Khalif Cigaal Dhicisow oo loo yaqaanay Khaliif Joxore ayaa taariikh dheer ku leh bahada Sportiga ee gobolka Hiiraan. Isaga oo soo saaray cayaartooy markii dambe gaartay heer Qaran.

Khaliif Cigaal waxaa si weyn loogu xasuustaa kaalintii uu gaarsiiyay cayaaraha kala duwan ee gobolka Hiiraan gaar ahaan kubadda cagta iyo kubadda kolayga halkaas koobab iyo bilado u soo hooyay gobolka Hiiraan.

Khaliif ayaa waayihii dambe ku noolaa magaalada Moqdisho, wuxuuna magaalada Istanbul sii joogidoona inta ay ka dhamaaneyso baarista caafimaad ee uu u joogo. 

Cayaartooydii uu macalinka u ahaa ee rabto in ay la xiriirto Khaliif Cigaal Dhicisow, waxay kala soo xiriiri karaan telefoonka ah: +905538375479

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]