4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 28, 2020
Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle oo beeniyay in dibadbaxyo ka dhaceen magaalada Beledweyne

 

Sabti, November, 28, 2020 HOL) - Madaxweyne ku-xigeenka dowlad gobolleedka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Yuusuf Dabageed ayaa beeniyay in dibadaxyo looga soo horjeedo maamulka uu madaxweyne ku-xigeenka ka yahay ka dhaceen maanta magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Dabageed ayaa sidoo kale waxba kama jiraan ku sheegay in ciidamo ka tirsan militariga Soomaaliya ee ku sugan magaalada Beledweyne weerarreen jabhada uu hoggaamiyo Generaal Abuukar Xuud ee fadhigoodu yahay deegaanka Ceelgaal.

''Magaaladan wax dibadbax ah oo ka dhacay malaha, wax dagaal ah oo dhacay malaha, waxaas waa been abuur, in sawirro 2016dii ahaa iyo Sawirro laga soo qaaday ciidamada Itoobiya ee la dagaalamaya Tigrayga leys dulsaaro oo dadka dagaal  ka dhacay Ceelgaal iyo Beledweyne looga dhiggo sax ma'aha ayuu yiri'' Yuusuf Dabageed 

Mar wax laga weydiiyay in la diidan yahay imaashaha madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe, ayuu sheegay in aysan jirin cid is hortaagi karta in madaxweynuhu tago magaalada Beledweyne xiliggii uu doonana uu taggi karo.

''Cali Guudlaawe Hirshabeelle madaxweyne ayuu u yahay Afar sano ayaa loo doortay, Beledweyne ma iman karo hal qof oo dhihi kartaa ma jirto'' ayuu hadalkiisa sii raaciyay  Yuusuf Dabageed.

Mar uu soo hadal qaaday arinta Generaal Xuud ayuu yiri '' Dhowr jeer ayaa Ergo u dirnay, Anniga iyo Isaga Ilmo adeer ayaannahay, haddii ay awood -qeybsi tahayna qeybtii uu ku lahaa Hirshabeelle Anniga ayaa ku matala, sidaa daraadeed wax ka maqan ma jiraan'' 

Yuusuf Dabageed oo wareysigan siiyay BBC ayaa dhinaca kale sheegay in magaaladu amaan tahay kuna sugan yihiin ciidamada qeybahooda kala duwan.

Madaxweynaha Dowlad gobolleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe  ayaa dhowr jeer oo hore ku guuldareystay safar uu ku iman lahaa magaalada Beledweyne sababo la xiriira khilaafka ka taaggan dhismaha labaad ee maamulka.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]