4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 28, 2020
Axmed Madoobe'' Doorasho kuma dhici karto sida maanta xaalka dalku yahay

 

Sabti, November, 28, 2020 (HOL)-Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya in ay ka baxday gabi ahaanba heshiisyadii doorasho ee lagu gaaray magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay in sababta aysan dhankooda wali u soo magacaabin guddiyadii doorashada ee laga sugayay sabab u tahay in dowladda Federaalka dhankeeda ka baxday sida uu hadalka u dhigay dhamaanba heshiisyadii doorashada.

Gaar ahaan wuxuu soo hadal qaaday arintan gobolka Gedo  oo sida uu hadalka u dhiggay aan xiligan ku jirin gacanta maamulka Jubbaland.

''Dowlad Gobolleed walba labo magaalo ayaa loo asteeyay in ay doorashadu ka dhacdo, maanta gobolka Gedo gacanteena ma ku jirtaa, dowladda ayaa ka sameysay ciidamo iyo jabhado'' ayuu yiri Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in dalka ay ka dhici karto oo kaliya doorasho heshiis lagu hayay, laakiin inta dowladda Soomaaliya ay ku kaceyso falal ka baxsan heshiisyadii horey loo gaaray marnaba dalka doorasho ka dhici karin.

Hadalka Axmed Madoobe ayaa imanaya xili wali labada maamul Jubbaland iyo Puntland aysan soo magacaabin guddiyadii laga sugayay in ay ka mid noqdaan guddiyada heer federaal ee doorashooyinka.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]