4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 28, 2020
Wararkii ugu danbeeyay khasaaraha ka dhashay Qarax lagu weeraray xalay maqaaxi ku taala Muqdisho

 

Sabti, November, 28, 2020 (HOL) - Waxaa kordhay tirada dhimashada ka dhalatay Qaraxii xalay lagu weerarray maqaaxi lagu iibiyo Jalaatada oo ku taala Waddada xiriirisa KM4 iyo Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Ilaa 8 ruux ayaa lagu waramayaa in ay ku dhinteen qaraxn uu fuliyay oo ismiidaamiye ah oo gudaha u galay maqaaxida oo watigaasi ah aheyd mid mashquul ah.

Qofka weerarkan geystay ayaa la sheegay in uu xoog ku jiiray waardiyihii joogay goobta  islamarkaana si deg deg ahna u fuliyay qaraxa.

Dowladda Soomaaliya iyo xisbiyada mucaaradka  ayaa cambaareeyay falka lagu qarxiyay dhalinyaradan, waxaana ay ku baaqeen midnimo iyo in la xoojiyo dagaalka Al-Shabaab.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]