4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 27, 2020
Ku simaha xoghayaha gaashaandhiga Maraykanka oo soo gaaray Soomaaliya
 

Jimco, November, 27, 2020 (HOL) - Ku simaha xoghayaha gaashaandhiga Maraykanka Christopher Miller ayaa jimcihii maanta usoo safray Soomaaliya si uu ula kulmo ciidamada mareykanka ee halkaas ku sugan.

Booqashadiisa ayaa kusoo beegantay xilli madaxweyne Donald Trump uu ka fiirsanayo in ciidamada Mareykanka laga saaro dalka Soomaaliya.

Miller oo tobankii bishaan uu magacaabay madaxweynaha xilka ka dagaya ee Donal Trump, ayaa khamiistii shalay gaadhay Jabuuti iyadoo safarkiisa uu ku saabsan yahay fasaxa mahadnaqa si uu ula kulmo ciidamada dalkiisa.

Socdaalkiisa Soomaaliya ayaa sidoo kale qeyb ka ah dhambaalkiisa mahadnaqa iyo taageerada ah ee uu u dirayo ciidamada Mareykanka ee ka howlgala magaalada Soomaaliya, sida uu sheegay afhayeenka Pentagon-ka.

Macluumaadka ku saabsan saldhiga ama ciidamada gaarka ah ee Miller la kulmay lama shaacin. Waana booqashadiisii ugu horreysay ee uu ku yimaado Soomaaliya.

Booqashada Miller ayaa imaaneysa iyadoo maamulka Trump uu tixgalinayo yareynta ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya.

Qiyaastii 700 oo askari oo Mareykan ah oo ku sugan Soomaaliya ayaa wada howgallo lagula dagaallamayo argagixisannimada waxayna tababaraan, la taliyaan, gacan ka geystaan taageerada ciidamada Soomaaliya.

AFRICOM ayaa rumeysan in Al-Shabaab ay tahay khatarta ugu badan, ugu awooda badan qaaradda Afrika.

Sanadkii la soo dhaafay, Al-Shabaab waxay ka dambeysay seddex weerar oo lagu dilay ama lagu dhaawacay shaqaale Mareykan ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]