1/22/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 27, 2020
Nin Masjid dad ku laayay oo maxkamad ka khafiifisay xukun horray loogu riday


 

Jimco, November, 27, 2020 (HOL) - Maxkamad ku taal  dalka Canada ayaa xukun ka khafiifisay nin sanadkii 2017 weerar ka fuliyay masaajid ku yaal magaalada Quebec.

Alexandre Bissonnette ayaa sanadkii hore lagu xukumay laba goor oo xabsi daa’in ah, kadib markii uu lix qof ku dhex dilay masaajidka, halka shan kale uu si xun ugu dhaawacay.

Maxkamadda ugu sareysa Quebec ayaa laalashay xukunkaas oo ay ku tilmaantay mid “arxan darro ah oo aan caadi ahayn”.

Go’aanka maxkamadda ayaa ka dhigan in ninkan la sii deyn karo 25 Gudahood, halkii uu markii hore xabsi ku qaadan lahaa 40 Sano.

Bissonnette oo 31 jir ah ayaa bishii January 2017 waxa uu rasaas ku furay Muslimiin ku cibaadeysanay Quebec Islamic Cultural Centre. Weerarkaas ayaa argagax weyn ku abuuray Canada, waxaana su’aalo laga keenay Islaam naceybka ka jira Quebec iyo qeybaha kale ee dalkaas.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]   













Click here
11/27/2020 2:55 PM EST
Jimco, November, 27, 2020 (HOL) - Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa warbixin horudhac ah kasoo saartay weerar ismiidaamin ah oo qof naftii hallige ah uu ka geystay maqaayad lagu caweeyo oo kuyaala wadada garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.

11/27/2020 2:44 PM EST
Jimco, November, 27, 2020 (HOL) - Odayaasha iyo waxgaradka Beelweynta Xawaadle ayaa galinkii dambe ee maanta kulan xasaasi ah kula qaatay deegaanka Ceelgaal oo qiyaastii Baledweyne kaga beegan dhinaca Waqooyi Bari ilaa 13 KM Hogaamiyaha Golaha Samata Bixinta Hiiraan Janaraal Abuukar Warsame Xuud.

11/27/2020 12:16 PM EST
Jimco, November, 27, 2020 (HOL) -Qof isku soo xiray Walxaha Qarxa ayaa isku qarxiyay maqaayadda jalaato Devino oo ku taal wadadda laga galo Garoonka diyaaradaha Ee Adan Cade ,maqaayada ayaa ah mid inta badan dadku isugu yimaadaan.

11/27/2020 10:11 AM EST
Jimco, November, 27, 2020 (HOL) - Ku simaha xoghayaha gaashaandhiga Maraykanka Christopher Miller ayaa jimcihii maanta usoo safray Soomaaliya si uu ula kulmo ciidamada mareykanka ee halkaas ku sugan.

11/27/2020 8:31 AM EST
Jimco, November, 27, 2020 (HOL) -Qoraal ka soo baxay midowga musharixiinta ayaa looga hadlay hanjabaadii uga timid guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud Filish fariin uu soo diray madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

11/27/2020 4:03 AM EST
Jimco, November, 27, 2020 (HOL) - Isaga oo wareysi siinayay France 24 ayuu sheegay Wasiirka Maaliyada Itoobiya Axmed Shiddo in dagaalka ka socda gobolka Tigrayga uu yahay mid lagu soo celinayo'' Amarka iyo Kala danbeynta gobolka''