1/16/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 26, 2020
Sarkaal ka tirsanaa Sirdoonka Mareykanka oo lagu dilay Soomaaliya


 

Khamiis, November, 26, 2020 (HOL) - Sida laga soo xigtay Wargeyska New York Times Sarkaal ka tirsan ciidamada Mareykanka ayaa toddobaadyadii taggay lagu dilay gudaha dalka Soomaaliya.

Sarkaalkan oo aan magaciisa la helin ayaa la sheegay in markii hore uu ku dhaawacmay howlgal kaddibna uu u geeriday gaar ahaan waxaa uu ka tirsanaa qeybta sida militariga u tababaran ee CIA -da Mareykanka.

Howlgalka uu ku dhintay sarkaalkan sidoo kala lama sheegin uu ahaa mid ay ciidamada Mareykanku qaadeen ama weerar uga yimid dhinaca xoogagga Ururka Al-shabaab, hasse ahaatee waxaa la sheegay oo kaliya in sarkaalkan uu ku dhintay howlgal.

Dhimashada sarkaalkan ayaa imaneysa ayada oo madaxweyne Trump uu diyaariyey amar ciidamada Mareykanka ee gaaraya 700 looga soo saarayo Soomaaliya, kahor inta uusan xafiiska ka tegin.

Mareykanka ayaa qeybo badan oo dalka Soomaaliya ah ka fuliyay duqeymo dhinaca cirka ah oo lagu bartilmaameedsanayay xoogagga Ururka Al-shabaab iyo howlgalo dhinaca dhulka ah oo ay iska-kaashanayaan inta badan ciidamada dowladda Soomaaliya..

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]   
 















Click here
11/26/2020 11:23 AM EST
Khamiis, November, 26, 2020 (HOL)-Dowladda Faransiiska ayaa ka cafisay lacag dhan $306-Million sida uu sheegay Wasiirka Wasaarradda Maaliyada Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

11/26/2020 10:57 AM EST
Khamiis, November, 26, 2020 (HOL) - Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud Filish oo ka hadlayay qoddobadii ku jiray War-murtiyeedkii maanta ka soo baxay midowga musharixiinta ayaa ku tilmaamay wax aan soconeynin.

11/26/2020 6:21 AM EST
Khamiis, November, 26, 2020 (HOL) -Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in uu ka cabsi qabo in doorashada soo socta ee Soomaaliya la soo doorto sida uu hadalka u dhigay Baarlamaan ay si dadban u maamulaan Al-shabaab.

11/26/2020 5:34 AM EST
Khamiis, November, 26, 2020 (HOL) - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheikh Shariif kana mid ah murashixiinta u sharraxan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta isagoo ka hadlayay shirka murashixiinta, wuxuu madaxweyne Farmaajo ugu baaqay inuu doorashada ka dhigo mid dhexda u taala murashixiinta oo idil.

11/26/2020 5:27 AM EST
Khamiis, November, 26, 2020 (HOL) - Ra'iisul wasaarihii ugu dambeeyay ee Sudan ee si dimoqraadi ah loo soo doorto, Ka hor afgambihii milatari 1989, Saadiq al-Mahdi, ayaa u geeriyooday cudurka coronavirus, sida uu sheegay xisbigiisa Khamiistii maanta.

11/26/2020 3:48 AM EST
Khamiis, November, 26, 2020 (HOL) -Midowga musharixiinta doorashada Soomaaliya oo shantii maalmood ee la soo dhaafay ku shirsanaa magaalada Muqdisho ayaa ugu danbeyntii soo saaray war-murtiyeed ka kooban 18 qodob.

11/26/2020 3:13 AM EST
Khamiis, November, 26, 2020 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa dil toogasho ku filsay Lix ruux oo loo heysatay in ay horey dilal u geysteen.

11/26/2020 3:02 AM EST
Khamiis, November, 26, 2020 (HOL) - Ciidamo aad u hubeysan oo ka careysan hanaankii loo maray dhismaha dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa saaka la wareegay baro koontarool oo ku yaala afaafka hore ee garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne.

11/26/2020 12:07 AM EST
Khamiis, Novmeber, 26, 2020 (HOL) -Wararka ka imanaya magaalada Idmanton Gobolka Alperto ee dalka Canada ayaa sheegay in rag hubeysan ay toogasho ku dileen muwaadin Soomaaliyeed mid kalana dhaawacay