4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 24, 2020
Shariif Xassan Sheekh Aadan'' Doorasho hal wareeg ah ma aqbali doonno

 

Talaado, November, 24, 2020 (HOL) - Madaxweynihii hore ee dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadan oo khudbad ka jeedinayay shirka musharixiinta uga soconaya magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aysan aqbali doonin doorasho hal wareeg ah oo ku tilmaamay dhaqan waayadii ugu danbeeyay lala soo baxay.

Shariif Xassan oo ka jawaabay hadalkii dhawaan sheegay Ra'iisal Wasaare ku-xigeenka dalka ayaa yiri''  Wuxuu yiri Mahdi Guulleed Baydhabo hal wareeg ayaan ku guuleysanay, Baydhabo wixii ka dhacay waa la ogaa dad ayaa la xirxiray, Galmudug inkastoo dad raali ka ah ay jireen wixii ka dhacay waa la ogaa, Jowhar inkastoo dad raali ka ah ay jireen wixii ka dhacay waa la ogaa, Anniga ilaa Carta ayaan dowladnimada Soomaaliya ku soo dhax jiray wali ma arag doorasho hal wareeg ku soo dhamaata, waxaan arki jirnay doorasho leysku daalo oo la baahdo  oo wareegyo dhowr ah leysla maro, sidaa daraadeed doorasho hal wareeg ah waan diidnay'' ayuu yiri Shariif Xassan Sheekh Aadan.

Madaxweyne Farmaajo ayuu ku eedeeyay in uusan doorasho lala galo diyaar u aheyn, taa badalkeedana uu doonayo in uu isaga arrimihiisa iska maamusho waa sida uu hadalka u dhigay Shariif Xassan Sheekh Aadan.

Dhinaca kale, waxaa uu meesha saaray in ay dalka colaad u horseedayaan  isaga oo yiri'' Annaga dad coladeed ma nihin inta Bani'aadam uu maslaxad rabo ayaan rabnaa taa hala ogaado''

Musharixiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa wali ku shirsan magaalada Muqdisho waxaana la filayaa in dhawaan ay soo saaraan war-murtiyeed la xiriira arrimaha doorashada.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]