4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 23, 2020
Musharixiinta garabka mucaaradka oo la kulmay siyaasiyiinta ka soo jeeda gobollada Waqooyi

 

Isniin, November, 23, 2020 (HOL)-  Musharixiinta ku shirsan Muqdisho ee garabka mucaaradka ayaa kulan la qaatay siyaasiyiinta ka soo jeeda gobollada Waqooyi [Soomaaliland] oo uu horkacayo guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaanshi Cabdullaahi.

Kulanka labada dhinac oo ka dhacay hotelka Jazeera ee lagu waddo in maanta lagu soo gagabeeyo shirka midowga musharixiinta ayaa siyaasiyiintii tagay waxaa ka mid ahaa Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaanshi Cabdillaahi, Wasiirkii hore ee Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Gudoomiyihii hore ee Maxkamadda sare Ibraahim Iidle Suleeymaan, Wasiir hore ee Arrrimaha Dibadda Xildhibaa Fowsiya Xaaji Aadan iyo mas'uuliyiin kale.

Xubnaha ayaa shirka la wadaagay walaacood la xiriira sida ay dowladda u maamuleyso guud ahaan doorashada gaar ahaan guddiyada gobollada Waqooyi oo soo magacaabistooda aan loo marin sida ay qabaan dhabihii sharciga ahaa.

 

Guddoomiyaha Aqalka sare ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya in ay boobtay guddiyadii gobollada Waqooyi ee doorashooyinka, hasse ahaatee waxaa taasi beeniyay xubnaha gobollada Waqooyi ee ka tirsan dowladda Dhexe oo sheegay in soo  magacaabista guddiyadan loo maray dariiqii saxda ahaa.

Shirka musharixiinta garabka mucaaradka oo ayaa la filayaa in maanta lagu soo  gabagabeeyo magaalada Muqdisho lagana soo saaro war-murtiyeed la xiriira hannaanka doorashada dalka.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]