4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 21, 2020
Xeer ilaaliyaha guud ee Soomaaliya iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland oo dhagax dhigay xarunta hay'adda Garsoorka Puntland


Sabti, November, 21 2020 (HOL) - Ku-simaha Madaxweynaha Puntland, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka, Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Sulaymaan Maxamed Maxamuud ayaa dhagax dhigay xarunta hay'adda Garsoorka Puntland.

Xeer-ilaaliayaha Guud ee Qaranka Sulaymaan maxamed maxamuud ayaa sheegey in ay ka go'an tahay madaxda Garsoorka Soomaaliya in dadka Soomaaliyeed ay halaan Cadaalad iyo xarumo garsoor oo ku haboon Shaqada ay bulshada u hayaan Garsoorka Dalka.

Xeer ilaaliyuhu wuxuu u mahad celiyay cid kasta oo dadaal ku bixisay in la hirgeliyo, lana-helo xaruntan uu ku shaqeyndoono Garsoorka Puntland, taasi oo  uu sheegay in ay muhiim u tahay shaqadda Garsoorka dalka.

Dr Sulaymaan Maxamed Maxamuud oo maalmo ka hor socdaal ku tagay Garowe, ayaa sheegay safarkiisu inuu qeyb ka yahay dadaalada heer Federaal ee lagu baahinayo helitaanka cadaaladda heerarka dowladaha xubnaha ka ah federaalka.

Wuxuu sheegay in uu ku sugan yahay Puntland inuu kala hadlidoona Madaxda Garsoorka Puntland sidii ay u xaqiijin lahaayeen hal-ku-dhigga sannadkan ee ah garsoor tayo leh.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]