4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 2 , 2020
Roob khasaare geystay oo xalay ka da'ay magaalada Muqdisho

 

Isniin, November, 02, 2020 (HOL)- Roob Mahiigaan ah oo saacado dhowr ah qaatay oo habeennidii xalay ka da'ay magaalada Muqdisho ayaa sababay barakaca dad dan'yar oo qaarkood uu burburiyay roobka guryihii ay ku jireen.

Subaxnimadii hore ee saakay ayaa qaar ka mid ah jidadka magaalada Muqdisho lagu arkayay qoysas u badan haween iyo carruur uu hoy la'aan dhiggay Roobka.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay jiraan guryo dhowr ah oo Roobkan ku dumay, hasse ahaatee ilaa iyo hadda lama sheegin wax-yeelo nafeed uu geystay, waxaana soconaya gurmad loo fidinayo dadka dibadjooga ka ah guryihiin ay ku noolaayeen.

Maamjulka ayaa intaa ku darray in dhinaca kale loo diray jidadka ay biyaha gooyeen Booyado ka saara biyaha ku soo rogmaday si dhaqdhaqaaqii dadka dib loogu soo celiyo.

Qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya waxaa ka curtay Roobkii xiligga Dayrta oo marka laga soo taggo khasaaraha ka dhasha dhinaca kale ay ku xisaabtamaan dadka beerleyda iyo xoola dhaqatada ah ee Soomaaliyeed oo xiliyadan oo kale ka faa'ideysta.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]