4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 2 , 2020
Madaxweyne Trump oo beeniyay inuu kasoo horjeesandoono natiijada doorashada haddii laga guulaysto
 

Isniin, November, 02, 2020 (HOL) - Madaxweyne Donald Trump ayaa beeniyay warbixin ah inuu si deg deg ah ugu dhawaaqi doono inuu ku guuleystey doorashada madaxweynenimada dalkiisa habeenka talaadada haddii ay u muuqato inuu ka horeeyo'Joe Biden.

"Maya, maya taasi waxay ahayd warbixin been ah,' ayuu u sheegay suxufiyiinta ka dib markii uu ka degay North Carolina oo uu halkaas kula hadlayay taageerayaashiisa.

Laakiin Trump wuxuu sheegay inuu diyaar u yahay inuu u diro qareennadiisa gobolada sida Pennsylvania oo kale si ay u hubiyaan codbixinta.

Hadalka Trump ayaa kusoo aadaya iyadoo maalin kaliya ay ka dhiman tahay doorashada madaxtinimada Maraykanka oo ku beegan maalinta berito ah.

Madaxweyne trump ayaa loolan adag kala kulmidoona musharaxa la tartamaya joe Biden, oo kaga horeeyay codbixino tijaabooyin ah oo horey loo sameeyay.

Soomaalida ayaa kamid ah dadka sida aadka isha ugu haya doorashada Maraykanka maadaama ay kamid yihiin dalalka muslimka ah ee madaxweye Trumo uu kusoo rogay xayiraada ka dhanka ah inay u safraan Maraykanka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]