4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 13, 2020
Golaha ammaanka oo meel mariyay qaraar mamnuucaya walxaha qarxa ee Soomaaliya loo dhoofiyo
 

Jimco, November, 13, 2020 (HOL) - Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay Qaraar ogolaanaya in laga hortago iibinta ama u rarida Soomaaliya walxaha qarxa ee macmalka ah, taasoo la aaminsan yahay in kooxaha mintidiinta ee ay ka caawiso inay u adeegsadaan sameynta qaraxyada.

Golaha amnigu wuxuu sidoo kale ku booriyay dowladda Soomaaliya inay sii wado ka hortagga dhaqaalaha gacanta u gala kooxaha xagjiriinta  ee ay khubarada Qaramada Midoobay ku qiyaaseen inay u soo xaroodeen $ 21 milyan sanadkii hore.

Qaraarkan oo lagu ansixiyay 13 cod, kana aamuseen Ruushka iyo Shiinaha, ayaa dib u xaqiijinaya cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya iyo mamnuucista dib u iibinta ama wareejinta hubka ama qalabka milatari.

Warbixintii ugu dambeysay ee ay soo saareen khubarada kormeeraya cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya waxay ku sheegeen, in Al-Shabaab ay khatar joogto ah ku hayaan nabadda, amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.

Guddiga ayaa sheegay in Al-Shabaab ay soo aruurisay in ka badan 21 milyan oo dollar oo sanadkii hore ay u isticmaashay dagaallo, hub iyo howlaheeda sirdoonka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]