4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 13, 2020
Abiy Ahmed oo madaxweyne KMG u magacaabay gobolka Tigrayga

 

Jimco, November, 13, 2020 (HOL)- Ra’iisal wasaaraha  dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa madaxweyne KMG ah u magacaabay gobolka ay dhibaatada ka bilaabatay ee Tigraay.

Abiy ayaa u magacaabay Dr. Mulu Nega in uu noqdo madaxweynaha KMG ee gobolka Tigrayga kaddib markii xasanaanadii laga qaaday saraakiishii sar sare TPLF.

Golaha Wakiilada Itoobiya ayaa dhawaan sheegay in ay kala direen taliskii gobolka, waxaana xigtay in 39 sarkaal oo ka tirsanaa maamulka Tigraay xasaanadda laga qaado.

Saraakiisha xilka qaadista lagu sameeyay waxaa ugu weyn madaxweynahii maamulkaas ee Debretsion Gebremichael, sidoo kale saraakiisha kale ee la xusi karo waxaa ka mid ah Abay Tsehaye, Amb Addisalem Balema, Getachew Reda, Atsebeha Aregawi iyo Gebregziabher Araya.

Xaaladda Itoobiya ka jirta aad ayaa looga deyrinayaa iyadoo QM ay aad uga walaacsan tahay xaaladda dadka ku nool gobolkaas ee ka qaxaya dagaallada halkaas ka socda maadaama aysan jirin waddo lagu gaarsiin karo gargaar.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]