4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 12, 2020
Jigjiga oo lagu qabtay dibad bax lagu taageerayay hawlgallada ciidan ee dawladda fadaraalka Itoobiya ka wado degaanka Tigray


Khamiis, November, 12, 2020 (HOL) - Shacabka ku dhaqan magaalada Jigjiga ayaa maanta sameeyay isu soo bax ay ku muujinayeen taageerada ay u hayaan dagaalka ay dawladda fadaraalka Itoobiya kula jirto TPLF, isla markaana ay kaga soo horjeedeen Ururka TPLF ee ka arrimiya degaanka Tigray.

Haddaba goobtii ay dadku isugu soo baxeen oo ahaa garoonka kubadda cagta ee Jigjiga ayaa waxaa kasoo qayb galay shacab aad u badan, sidoo kale waxaa kasoo qayb galay madaxda degaanka Soomaalida u sareysa oo uu kamid yahay Madaxwaynaha Dawladda Degaanka Soomaalida Mustafe cagjar iyo Odayaal dhaqameedka degaanka.

Shacabkii iyo Masuuliyiintii kasoo qayb gashay dibad baxan ayaa waxay dhammaantood ka sinaayeen saddex qodob oo gundhig u ahaa dibadbaxan maanta Jigjiga ka dhacay, kuwaas oo kala ahaa in la cambaareeyo falalkii ay hadda ka hor TPLF degaanka Soomaalida ka gaysatay, in taageero buuxda loo muujiyo Ciidanka dawladda fadaraalka Itoobiya ee dagaalka kula jira Ururka TPLF iyo in sharciga la horkeeno saraakiishii TPLF ee hadda ka hor gabood falada ka gaystay degaanka Soomaalida.

Dibad baxyadan ayaa isla maanta ka dhacay meelo badan oo degaanka Soomaalida ka tirsan, iyadoo si gudna ay uga dhaceen dibad baxyadu dalka.

Abdilahi Jawhar
Hiiraan Online