4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 12, 2020
Saraakiishii ugu sarreysay TPLF oo xasaannada laga qaaday

 

Khamiis, November, 12, 2020 (HOL) - Mudanayaasha Aqalka golaha wakiilada ee Itoobiya ayaa ansixiyay in xasaanadda lagala noqdo 38 saraakiil ah oo ka tirsan maamulka Tigray kaddib codsi kasoo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha guud.

Waxaana ka mid aha madaxdan xasaanadda laga qaaday madaxweynaha Tigray, Debretsion Gebremichael iyo saraakiisha kala ah, Abay Tsehaye, Amb Addisalem Balema, Getachew Reda, Atsebeha Aregawi, Gebregziabher Araya iyo mas'uuliyiin kale oo ka tirsan TPLF.

Dacwad oogayaasha waxay sheegeen in raggan looga shakisan yahay inay ka dambeeyeen weerar lagu qaaday ciidamada dowladda iyo dambiyo kale.

Dowladda federaalka ee Itoobiya waxay howlgal militeri ka waddaa gobolka Tigray kaddib markii ay ku eedeysay inay weerar ku qaaday saldhiga ciidamada federaalka ku leeyihiin halkaas.

Ra'iisul Wasaaraha wuxuu sheegay in howgelka uu sii socon doono tan iyo caddaallada laga horkeynayo kooxaha hubeysan isla markaana hub ka dhigis looga sameynayo.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]