4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 12, 2020
Puntland oo gacanta ku dhigtay boqolaal malyan oo lacago shilin Soomaali ah


Khamiis, November, 12, 2020 (HOL) - Ciidanka Amniga Puntland ee magaalada Qardho ee gobolka Bari, ayaa gacanta ku dhigay boqolaal milyan oo lacagta shilinka Soomaaliga ah oo la doonayay in si qarsoodi ah loogu gudbiyo magaalada Bosaso.

Lacagtan oo cadadkeedu dhan yahay 860 milyan oo Shilin Soomaali ah, ayaa lagusoo qariyay jawaano, iyadoo laga dhigay badeeco u socotay Bosaso.

Qabashada lacagtan ayaa kusoo aadaysa iyadoo Puntland ay horey u sheegtay in degaanadeeda lasoo galiyo lacago shilin Soomaali, oo lagasoo safriyo gobolada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Lama sheegin halka ay lacagtaan ka timid.

Puntland waxaa xilligan ka jira sicir barar xoogan oo sabab u ah lacagaha shilinka Soomaaliga oo qiimo beelay kadib markii maamulku daabacday lacago  cusub oo Shilin Soomaali ah, taasoo markii suuqyada lagusoo fasaxay dhalisay in dollarku kaco.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]