4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 11, 2020
Pro Cabdi Ismaaciil Samatar ‘’ Dalku wuxuu halis u yahay dagaal ka dhasha habka loo maareynayo doorashada

 

Arbaco, November, 11, 2020 (HOL)- Prof Cabdi Ismaaciil Samatar oo bare wax ka dhiga Jaamac ku taala gobolka Minnesota ayaa si kulul uga hadlay khilaafka ka taagan guddiyada Dowladda Soomaaliya ay u saartay doorashada 2020-21.

Prof Samatar ayaa ku tilmaamay sida ay Villa Soomaaliya wax u maamushay ‘’Kufsi Siyaasadeed’’ oo lagula kacayo Qarannimadii Soomaliya iyo xuquuqdii ay lahaayeen sida uu hadalka u dhigay dadka ka soo jeeda gobollada Waqooyi.

‘’Dad Xamar aan ka taggin ilaa burburkii ayaa jira oo reer Waqooyi ah oo Cabdi Xaanshi uu kow ka yahay, marka aad dadka reer Muqdisho la sheekeysato waxey kuu sheegayaan in Cabdi Xaanshi uu yahay ninka ugu daacadsan ee dowladda Soomaaliya ku jira isagagiina waataasoo waa la dhageysan la’yahay, halka uu ra’iisal Wasaaruhu ka soo magacaabayo guddiyada Waqooyi waxey aheyd in Cabdi Xaanshi uu soo magacaabo oo la yiraah Adigga ayaa Waqooyi uga sarreeya dadka la soo doortay e’ bal adiga soo qor guddigga’’ ayuu yiri Prof Cabdi Ismaaciil Samatar.

Samatar ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu hay’adda Nabad-sugida u adeegsanayo hilmilooyinkiisa siyaasadeed isaga oo muujiyay dareen la mid ah kan ay qabaan musharixiinta xilka madaxweynaha.

‘’ Sidda ay hadda wax ku socdaan waxaa ay dalka u horseedi kartaa dagaal haddii uusan madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo si taxdar leh u maareyn arrimaha xasaasiga ah ee ku gadaaman doorashada ‘’ ayuu yiri Prof Samatar.

Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guulleed Khadar oo laftirkiisa dowladda ku matala gobollada Waqooyi ayaa ku tilmaamay eedeymahan loo soo jeedinayo dowladda kuwo muujinaya kalsooni darrada musharixiinta doorashada xilka madaxweynaha.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]