4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 11, 2020
Ilhan Cumar: Waa in dib loo mideeyo qoyska kala maqan oo dib loosoo celiyo nidaamkeennii socdaalka
 

Arbaco, November, 11, 2020 (HOL) - Ilhan Cumar oo katirsan aqalka Koongareeska Maraykanka ayaa sheegtay in loo baahan yahay in dib loo mideeyo qoyssaska kala maqan islamarkaana dib loosoo celiyo nidaamkii socdaalka dalka Maraykanka.

Maamulkii Madaxweyne Trump ayay ku eedeeysay inay dalka afartii sano ee lasoo dhaafay ku maamulayeen siyaasad naxariis darro ah, iyadoo intaas ku dartay in boqolaal carruur ah oo ka yar shan sano jir, loo diiday inay la midoobaan waalidiintooda.

Qareeno u dhashay dalka Maraykanka ayaa billaabay tallaabooyin dib loogu midaynayo qoysaska muhaajiriinta ah ee uu kala xanibay maamulkii madaxweyne Trump ee looga guulaystay doorashada.

Madaxweyne Trump ayaa ku soo rogay siyaasad dulqaad la'aan ah xadka Mareykanka iyo Mexico intii u dhaxeysay Abriil iyo Juun 2018 kaas oo lagu kala saaray waaliddiinta iyo carruurta aan sharciga lahayn.

Madaxweynaha la doortay Joe Biden ayaa ballan qaaday in uu dhisayo guddi hawleed dawladeed oo ka shaqeyn doona mideynta dhammaan qoysaska muhaajiriinta ah ee ay kala gooyeen siyaasadaha maamulka Trump.

Laakiin, Biden illaa iyo hadda ma uusan go’aansan in waalidiinta kala maqan la siin doono fursad ay ku yimaadaan Mareykanka si ay ula midoobaan carruurtooda una helaan magangelyo.

Biden ayaa sidoo kale ballan qaaday inuu meesha ka saarayo xannibaada safar ee lagusoo rogay socdaalka 7 dal oo Muslim ah oo Soomaaliya kamid tahay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]