4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 1 , 2020
Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo gaaray magaalada Garoowe

 

Axad, November, 01, 2020 (HOL) - Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar ) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar lug ah kagasoo tagay Gaalkacyo ayaa gaaray magaalada Garowe ee Caasamada Puntland. 

S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) oo ah safarkiisii ugu horeeyay oo uu ku tago Puntland tan iyo intii loo magacaabay xilkaan, ayaa socdaalkiisa wuxuu ku saabsan yahay inuu ogaado xaaladda bilayska Puntland. 

Taliyaha ciidanka booliiska wuxuu sheegay in ay isku diyaarinayaan qorshaha ciidamada bilayska ku shaqayndoonaan sanadka soo socda, sidaas darteed ay muhiim tahay in la ogaado dowlad goboleed kaste waxa u qorshaysan iyo meelaha dowladda federalka Soomaaliya ka ka caawin karto. 

Safarka taliyaha ayaa qeyb ka ah safaro uu ku marayo dowlad goboleedyada Soomaaliya, isagoo horey u booqday Koonfur galbeed iyo Galmudug. 

Waxaa safarkiisa sidoo kale qeyb ka ah inuu kormeero magaalooyinka ay ka dhacayaan doorashooyinka dad badan ee lagu dooranayo xildhibaanada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]