Masuul katirsan Puntland oo u geeriyooday cudurka Coronavirus

 

Khamiis, May 7, 2020 (HOL) - Kormeerihii waxbarashada gobolka Nugaal ee dowlad goboledka Puntland  Cumar Guure ayaa maanta u geeriyooday cudurka Coronavirus, sida ay Hiiraan Online u xaqiijiyeen masuuliyiin latirsan Puntland.

newsinsideMasuulkaan ayaa maalmihii ugu dambeeyay ku jiray xarunta lagu hayo dadka qaba Covid19 ee magaalada Garowe, kadib markii laga helay cudurka safmarka ee Coronavirus.

Waa masuulkii ugu horeeyay ee katirsan Puntland oo cudurka u geeriyooday.

Hiiraan Online, News Desk