4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 30, 2020
Siyaasiyiin mucaarad ah oo soo dhoweeyay hadalkii ra’iisul wasaare Kheyre ee ku saabsanaa arrimaha doorashada dalka



Sabti, May 30, 2020 (HOL) - Qaar kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa soo dhoweeyay hadalkii dhowaan uu sheegay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ee ku saabsanaa arrimaha doorashada, iyagoo dhinaca kalana tilmaamay in wax wanaagsan ay tahay oo ay muddaba sugayaan dhawaq noocaas ah oo ka yimaada madaxda sare ee dowladda Soomaaliya .

Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah siyaasiyiinta aadka u dhaliila dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu qoraal uu Facebook-giisa soo dhigay uu ku bogaadiyay hadalka kasoo baxay ra’iisul wasaaraha .

“Waxaan soo dhowaynayaa hadalka Raysalwasaare Kheyre uu ku balanqaaday in la qabto doorasho xilligeeda ku dhacda, la isku raacsanyahay, xasiloon saamilayda siyaasadeedna qayb ka yihiin, si loo ilaaliyo xasiloonada dalka iyo wadajirka ummada. Waxaan kaloo bogaadinayaa fahamka ku aadan in doorashadu ay wax kasta oo kale ka muhiimsan tahay, mudnaana ka leedahay, maadaama ay lafdhabar u tahay xasiloonada dalka.”  Ayuu ku yiri qoraalkiisa Cabdiraxmaan Cabdishakuur Wasarme .

Dhinaca kale madaxweynahii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa dhankiisa ka hadlay waxa uuna wax wanaagsan ku tilmaamay  hadalka ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ee la xiriiray arrimaha doorashada Soomaaliya , waxa uuna hoosta ka xariiqay in doorashadu ay wax walba ka muhiimsantahay, sidoo kalena ay ka saamiley siyaasad ahaan ay tix-gelinaaan.

“Waxaan soo dhoweyneynaa hadalka ra’iisul wasaaraha ee ah in aan laga maarmi Karin doorasho waddankaan ka dhacda, xilligeedana ku qabsoonta , dalkana u horseedda deganaan iyo xasillooni siyaasadeed oo waarta”  sidaasi waxaa yiri madaxweynahii hore ee Galmudug Cabdikariim Guuleed.

Soomaaliya waxay isku diyaarineysaa doorasho dhammaadka sanadkaan iyo billowga sanadka soo socda, weli waxaan caddeyn habka ay noqoneyso, laakiin dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku adkeysaneysa in la qabanayo doorasho qof iyo cod ah, taas oo ay dad badan shaki galinayaan sida ay u dhici kareyso xilligaan oo dowladda gacanteeda uu dhul badan ka maqanyahay, is-fahmi waa’na uu u dhexeeyo dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada kuwooda ugu saameynta badan xagga siyaasadda.

Dhowaan waxaa la filayaa in Guddoomiyaha Guddiga doorashada madaxa bannaan Marwo Xaliimo Ismaaciil “Xaliimo Yarey “ ay hortagto baarlamanka Soomaaliya si wax looga weydiiyo arrimaha la xiriira doorashada soo socota.

Dhinacyada mucaaradsan dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa aad uga walwal qaba in dib loo dhigo waqtiga la qabanayo doorashada dalka amma in hadda madaxda talada haaysa ay sameystaan muddo kororsi, taas oo aan illaa iyo hadda dhicin.

Soomaaliya waxay kasoo kabaneysaa dagaallo sokeeye iyo kuwa ku dhisnaa mabaa’di is diiddan, waxayna dowladda ku dhisantahay nidaam ku yimid hab qeysiga beelaha ee loo yaqaanno 4.5, kaas oo soo bilowday xilligii dhismaha dowladdii uu hoggaaminayay madaxweynahii hore Cabdiqaasim Salaad Xasan, dhowr madaxweyne oo ka dembeeyana weli kuma guuleysan in ay ka shaqeeyaan nidaam kaas, mid looga gudbayo.

Dhinaca dowladda madaxweyne Farmaajo uu  hoggaamiyo ayaa dhowr jeer ku doodday in dalka laga qaban karo doorasho qof iyo cod ah, laakiin waxaa dhankooda mucaaradku ay ku dhaliilayeen in aysan suura-gal aheyn ka dhabeynta arrintaas, maadaama aysan dowladda hadda shaqeysa aysan laheyn xisbi ay ku tartamaan.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]