4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 17, 2020
Kiisas badan oo COVID-19 ah oo maanta laga helay Soomaaliya
 

Axad, May 17, 2020 (HOL) - Wasiirka wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee dowladda Soomaaliya Dr. Fowsiya Abiikar Nuur ayaa waxay ka hadashay xaaladahii ugu dembeeyay ee xanuunka COVID-19  ee dalka, waxayna sheegtay in maanta la xaqiijiyay 64 xaalad oo cusub , kuwaas oo laga helay meelo kala duwan.

Kiisaskaan cusub ayaa waxaa 33 kamid ah laga helay Gobolka Banaadir, Somaliland ayaa laga diiwaan-geliyay maanta oo qura 16 kiis, halka Galmudug laga helay 8 kiis, Koonfur galbeed-na waxaa laga xaqiijiyay 7 xaalad .

Bukaannadaan soo kordhay ayaa waxay kala yihiin 45 rag ah , halka 19 kamid ah ay haween yihiin.

Afar ruux ayaa ka bogsaday xanuunka, halka wasaaraddu ay sheegtay inuu maanta dalka ugu geeriyooday COVID-19 hal qof.

Wadarta guud dadka uu soo ritay xanuunka Coronavirus ayaa waxay gaarayaan 1,421 qof, waxaana ka bogsooday 152 qof, geeriduna waxay gaartay 56 ruux guud ahaan Soomaaliya.

Maalmahii lasoo dhaafay gobolka Banaadir dadka uu xanuunka soo ridanayay ayaa hoos u dhacay balse tirada maanta ay wasaaraddu sheegtay ayaa muujinaya in mar kale dadka uu COVID-19 haleelay ay  sare u kaceen magaalada Muqdisho.

Abdiaziz Ahmd Barrow, Hiiraan Online.
[email protected]