Sabti, Maarso, 07, 2020 (HOL)- Wasaaradda Caafimaadka iyo Ka Hortagga (MoHAP) ayaa soo warisay 15 xaaladood oo cusub oo ah coronavirus, taasoo ka dhigeysa tirada guud ee la xaqiijiyay 45 kiis oo Coronavirusa.
Dhanka kale, laba bukaan oo Shiineeys ah oo horey looga helay cudurka 'coronavirus' ee UAE ayaa kasoo bogsaday cudurka, sida laga soo xigtay MoHAP.
Bukaannada soo kabsaday, oo da’doodu u dhaxayso 38 iyo 10 sano, waxay xubno ka ahaayeen qoys Shiineys ah oo markii ugu horraysay laga helay cudurka gudaha UAE.
Sidoo kale, UAE waxay ogaatay 15 xaaladood oo cusub oo ah cudurka oo u horseeday dhaqaalihii adduunka oo dhan inuu istaago.
Tirada guud ee dadka laga helay cudurka 'Covid-19' ee UAE imminka waxay joogtaa 45.
Kiisaska cusub waxaa lagu ogaadey iyada oo loo marayo kormeer iyo nidaamyo warbixineed oo laga hirgaliyay dalkaas.
Dadka uu cudurku saameeyay waxaa ka mid ah muwaadiniin kasoo kala jeeda Thailand, Morocco, China iyo India, iyo sidoo kale Saudi Arabia, Ethiopia iyo Iran. Intaa waxaa sii dheer, saddex Emiratis ayaa laga helay Covid-19.