Maamulka magaalada Diridhabe oo go'aano kasoo saaray ka hortagga Covid 19.
Talaado, Maarso, 31, 2020 (HOL) - Maamulka magaalada Diridhabe ayaa manta go'aano kasoo saaray cudurka dunida wareeriyay ee Covid 19. Go'aamadaan oo dhaqan-galidoona beri Abriil 01, 2020 ayaa waxaa ka mid ahaa
1. In la joojiyo gaadiidka dadweynaha ee magaalada soo gala ama ka baxa.
2. In la joojiyo gaadiidka magaalada ka dhex shaqeeya, sida Bajaajta iyo basaska yaryar ( minibas).
3. In la xidho waddooyinka waawayn ee magaalada Diridhabe soo gala.
4. Suuqyada waawayn ee Ashawa iyo Taywanka oo albaabada loo laabo, kuma jiraan dukaamada ibinaya maciishada daruuriga ah.
5. Shaqaalaha Warshadaha ka shaqeeya oo la fasaxo
6.Xannibaadahan ayaa ka reeban goobaha Shidaalka, Raashinka iyo wixii daruuri ah.
Go'aannadan ayaa kusoo hagaagaya xilli uu cudurkan Covid 19 uu ku soo kordhayo dalka Itoobiya