Dowladda Soomaaliya oo go'aamisay in la xiro goobaha Barashada Diinta si looga taxadaro faafitaanka Covid-19
Muqdisho, Maarso, 30, 2020 (HOL)- Dowladda Soomaaliya oo bixinaysa dadaallo lagu dhimayo faafida fayruska Covid19 ayaa maanta soo saartay go'aan kale oo dhimaya inay bulshadu isku timaado.
Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta,Sheekh Nuur Maxamed Xassan ayaa sheegay in la xiro goobaha barashada Diinta,dugsiyada iyo Mowlacyada,islamarkaana dadweynaha kula taliyay in guryohooda ay ku cibaadaystaan,si looga taxadaro faafitaanka Covid-19.
"Sida aad lawada socotaan waxaa dunidda halis badan ku haya caabuqa Coronavirus (Covid19) oo si xowli ah maalinba ugu faafaya waddamo cusub.
Sidaas datreed, waxaa ay wasaaradda soo saartay :
" Laga billaabo maalinta berri oo ah Talaado 31/03/2020 waxaan si’ rasmi ah u xirnay Dugsiyada Barashada Qur’aanka & xarumaha Barashada Diinta muddo (2) laba todobaad ah, maadaama caruurtu ay yihiin kuwa ugu nugul qaadidda caabuqa covid19,"
Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta waxay mas’uuliyad ka saaran tahay qaadashada kaalinteeda ilaalinta badqabka & caafimaadka bulshada" ayaa lagu yiri hadalka ka soo baxay wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta.
Soomaaliya oo ka mid ah dalalka caalamka oo dhan laga helay kiisaska ugu yar ,balse dalka bariga Afrika ku yaal waxaa loo arka dal u nugul faafida fayruskan.
Iman Jama, Hiiraan Online
[email protected]