Cali Maxamed Caraale’’ Madaxweyne Waare waxaa uu ku guuldareystay hoggaamintii Hirshabeelle
Isniin, Maarso, 30, 2020 (HOL)- Cali Maxamed Caraale oo warbaahinta kula hadlay xarunta maamulka
gobolka Hiiraan ayaa ka soo horjeestay xil ka qaadistii uu ku sameeyay
madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle oo maalintii shalay xilka
guddoomiyaha gobolka Hiiraan u magacaabay Cali Jeyte Cismaan.
Cali Caraale ayaa xil ka qaadista
lagu sameeyay ku tilmaamay mid sharci darro ah isaga oo ku eedeeyay
madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle in uu wareegtadan ugu
marmarsiyoonayo sida uu hadalka u dhiggay fashilkiisii siyaasadeed iyo hogaamintiisa xun
ee Hirsabeelle.
‘’Madaxweynaha Hirshabeelle
Maxamed Cabdi Waare waa uu ku fashilmay hoggaanka Hishabeelle, waxaa uu ka xun
yahay guushii aan ka gaarnay soo ajarida khilaafkii degmada Buula-burte ee uu
horay ugu guuldareystay in uu wax ka qabto, muddadii ay jirtay Hirshabeelle ee uu
madaxweynaha ka ahaa wax uu soo kordhiyay lama arko oo aan aheyn in uu
aruursado dhaqaalaha shacabka labada gobol’’ ayuu sheegay Cali Maxamed Caraale.
Tallaabadan uu qaaday guddoomiye
Caraale ayaa u muuqata mid aan waxba ka duwaneyn tii leysku hortaagay
magacaabistiisii sanadkii 2019kii oo guddoomiyihii xiligaa Yuusuf Axmed Hagar
Dabageed uu ku tilmaamay soo magacaabistii watigaa ee Cali Caraale mid sharci
darro ah, iyadoo dhinaca kale-na Caraale
uu ku dooday in magacaabistiisu aheyd mid sharci ah oo ay tahay in Yuusuf
Dabageed uu xafiiska banneeyo.
Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah
oo ka soo baxay dhinaca guddoomiyaha cusub ee loo soo magacaabay gobolka Cali
Jeyte Cismaan oo markii saddexaad xilkan qabanaya.
Inta badan marka ay soo baxaan
xaaladan oo kale waxaa arimaha soo fara-galiya odayaasha dhaqanka gobolka oo
ugu danbeyntii ku guuleystay in ay dhameeyaan is-maandhaafka ka dhasha isku
badalka labada guddoomiye.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]