Dowladda Soomaaliya oo la wareegeysa Dugsigii 15 May oo ay Masaaridu maamulayeen
Sabti, Maarso, 28, 2020 (HOL)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la wareegtay maamulka Dugsiga 15ka May oo ay maamulayeen Guddiga Waxbarashada Masar ee Soomaaliya,
Waxaana la isku afgartay inu u dhaqan galo la wareegida Dugsigaas 20 April 2020 leysku afgartay la wareegidan ay si rasmi ah u dhaqan 20 gasho April ee sanadkan 2020,
Sidoo kale dowladda Federaalka ayaa tilmaamatay in Iskuulkaas laga
dhigi doono Machadka Tababarka Macallimiinta Gabdhaha Soomaaliyeed, si
sare loogu qaado tayada waxbarashada dalka.
Tallaabadan ayaa imaneysa dhinaca kale iyadoo dhawaan dowladda Soomaaliya sheegtay in ay dhex-dhexaad ka tahaya Khilaafka dowladaha Masar iyo Itoobiya ee ku aadan Webiga Niil, lamana oga in Go’aankaas uu daba socdo tallaabada ay dowladda kula wareegeyso Iskuulka 15-ka May.
Hoos ka Akhriso Qoraalka ka soo baxay Wasaarradda Waxbarashada Soomaaliya :
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]