3/30/2020
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 23, 2020
Safaaradda Soomaaliya Kenya oo shaqo joojin ku dhawaaqday


 

Isniin, Maarso, 23, 2020 (HOL)- Safaaradda Soomaaliya ee Kenya ayaa waxay sheegtay inay joojinayso dhammaan shaqooyinkii ay u haysay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya.

Arintaan ayaa daba socota kadib markii Kenya ay mamnuucday dhamaan goobaha isku imaatinka dadweynaha sababo la xiriira faafitaanka coronavirus.

Kenya waxay haatan xaqiijisay 15 kiis oo ah COVID-19.

Badi safaaraddaha caalamka ee kuyaala Nairobi ayaa muwaadiniintooda u diray digniin ku saabsan cudurka Coranavirus.

Safaaradda Ingiriiska ee Kenya ayaa maanta shaacisay in ay muwaadiniintooda ka daabulanaysa Nairobi.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]









Click here
3/23/2020 12:27 PM EST
Isniin, Maarso, 23, 2020 (HOL )– Diyaarad yar oo ka timid xaga Jabuuti ayaa maanta oo Isniin ah iyo khamiistii dul wareegaysay gobolka Sanaag iyo Sool, taas mararka qaarkood joog hoose ku duulaysa.

3/23/2020 8:06 AM EST
Isniin, Maarso, 23, 2020 (HOL)- Puntland ayaa amar ku bixisay in la xiro masaajidda muddo 2 usbuuc ah si looga digtoonaado halista Caronavirus.

3/23/2020 5:18 AM EST
Isniin, Maarso, 23, 2020 (HOL)- Ciidamada Amniga Puntland PSF ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen shakhsiyaad lagu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish iyo agab la doonayey in loo gudbiyo kooxahaas ku dhuumaalaysta buuraha Cal Madow iyo Cal Miskaat.

3/23/2020 5:05 AM EST
Isniin, Maarso, 23, 2020 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ku raadjoogta dad looga shakiyay inay la kulmeen qofkii ugu horreeyay ee la xaqiijiyay in uu ku dhacay cudurka Corona gudaha dalka.

3/23/2020 3:53 AM EST
Isniin, Maarso, 23, 2020 (HOL)- Raysal Wasaaraha dalka Germany Angela Merkel ayaa gashay is-karantiilnimo, iyadoo sababtuna tahay xiriir hore oo ay la yeelatay dhakhtar laga helay cudurka coronavirus.