Sabti, Maarso, 21, 2020 (HOL)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo xalay xafiiskiisa ku qaabilay Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed ayaa kala hadlay sida la iskaga kaashan karo ka hortagga faafidda cudurka Coronavirus oo sida safmarka ah u saameeyay caalamka.
Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay inaysan haba yaraatee wax saameyn ah ku yeelan maciishadda tallaabooyinka looga hortagayo faafidda caabuqan, isla markaana ay dowladdu kala shaqeyneyso ganacsatada fududeynta waxyaabaha muhiimka u ah nolosha bulshada.
Ra’iisul Wasaraaha ayaa ganacsatada Soomaaliyeed uga mahadceliyay sida ay qeybta uga qaateen dadaallada looga hortagayo cudurka Coronvirus.
Kulanka oo ay qeyb ka ahaayeen mas’uuliyiinta hay’adaha dowladda ee ku howlan howsha ka hortagga cudurkan oo soo bandhigay warbaxin ka hadlaysa waxyaabaha qabsoomay iyo qorshayaasha looga gaashaamanayo Coronavirus.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online[email protected]