Go'aankii Dowladda Soomaaliya ay ku hakisay duulimaadyada caalamiga ah oo maanta dhaqan-galaya
Khamiis, Maarso, 19, 2020 (HOL)-Waxaa maanta si rasmi ah u dhaqangalaya go'aankii dowladda Soomaaliya ay ka qaadatay duulimaadyada caalamiga ee iman jiray dalka Soomaaliya, kaddib faafitaanka cudurka Coronavirus oo qeyb ahaan laga helay dalalka dariska la ah Soomaaliya.
Go'aankan ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa dhiggaya muddo 15 cisho ah aanay wax diyaarado caalami ah dalka imaan doonin, sababo la xiriira ka hortagga cudurka Coronavirus oo adduunka ku faafay, kaasoo ay kumanaan ruux u dhinteen.
Ma jirto duulimaad caalami ah oo saakay ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan cadde oo maalin walba ay soo caga dhigan jireen diyaarado ka yimaada dalal kala duwan.
Inta
badan dalalka adduunka ayaa joojiyay duulimaadyada caalamiga ah ee
dalkooda, si looga hortago cudurkan ka dilaacay adduunka ee sida
safmarka ugu faafay.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay waqti badan gelineysa sida looga hortegi karo cudurka Coronavirus oo dalal badan saameyn ku yeeshay, iyadoo illaa hadda Soomaaliya laga helay hal kiis oo ah muwaadin Soomaali ka yimid dalka China
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]