Arbaco, Maarso, 18, 2020 (HOL)- Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa deg deg ugu anbabaxay safar uu ku tagayo magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya xili dowladda Soomaaliya ay mamnuucday duulimaadyada caalamiga ah iyo safaradda inta.
Safarka Ra'iisal Wasaare Kheyre ee magaalada Addis Ababa ayaa lagu soo kooban in uu yahay mid la xiriira xoojinta xiriirka labada dowladdood Itoobiya iyo Soomaaliya.
Waxaa socdaalkan uu imanayaa xili caalamka oo dhan marka aad eegto foojignaan dheeraad ah looga jiro saameynta cudurka Coronavirus, iyadoo wasaarradda Duulista hawadda laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 18ka bisha Maarso mamnuucyada dhamaanba duulimaayadii caalamiga ahaa ee dalka iman jiray.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online[email protected]