Ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed oo Guddi u magacaabay ka hortaga cudurka Coronavirus
Talaado, Maarso, 17, 2020 (HOL)-Ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed Somali Medical Association ayaa iskugu yimid gelinkii dambe ee shalay kulan deg deg ah oo looga arinsanayey sidii dhaqaatiirtu ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen ka hortaga iyo la dagaalanka cudurka sida ba'an dunida ugu faafaya ee Coronavirus oo kiiskii ugu horeeyey laga helay Soomaaliya.
Waxaa kulankan ka soo qeyb galay xubno ka tirsan dowlada Somalia,
danjireyaal, dhaqaatiir kala duwan iyo qeybaha bulshada, iyadoo
dhaqaatiirta kulankan ka hadashay ay walaac ka muujiyeen kiiska cudurkan
ee laga helay dalka, iyagoo shacabka iyo DF ugu baaqay
in la muujiyo isku duubni iyo dedaal lagu yareynayo saameynta cudurkan.
Dhaqaatiirta ayaa sidoo kale ka waramay, halka uu ku yimid Viruska
keena cudurkan, halista uu leeyahay, waxaa dhici kara haddii gudaha
dalka uu ku faafo iyo qaabka ugu haboon ee looga hortagi karo, waxayna
shacabka ugu baaqeen iney qaataan talooyinka dhaqaatiirta
ee la xiriira sida la isaga ilaalin karo cudurkan oo caalamka ku laayey
kumanaan qof, tobanaan kun oo kalena ay la ildaran yihiin.
Prof/Dr. Cusmaan Maxamuud Dufle oo ah Senator ka tirsan Aqalka sare
ee Baarlamanka Somalia ayaa sheegay in kulanka ay isugu yimaadeen dhaqaatiirta uu yahay mid muhimad gaar ah leh oo ku soo beegmay waqti xasaasi ah oo loo baahnaa sidii dhaqaatiirta ay
kaalintooda uga qaadan lahaayeen badbaadinta umadda, maadaama cudurkan uu cabsi weyn ku beeray bulshada.
Senator Dufle ayaa tilmaamay in cudurka ku faafo qunfaca,
hindhisada iyo gacan qaadidda qofka xanuunka qaba, ayna waajib ku tahay
qof walba inuu ilaaliyo talooyinka dhaqaatiirta.
Dr.Dufle ayaa ugu baaqay hay’adaha Qaramada Midoobay ee dhanka
caafimaadka qaabilsan in dowladda Soomaaliya laga caawiyo sidii looga
hortagi lahaa caabuqa Coronavirus.
Guddoomiyaha ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed Dr. Maxamed Yuusuf
Max'uud ahna agaasimaha Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho ayaa
isna sheegay inuu magacaabay guddi 13 xubnood ka kooban oo loogu talao
galay iney la shaqeeyaan Wasaarada caafimaadka,
bulshadana ku wacyi geliyaan ka hortaga cudurkan.
Waxaa uu sheegay Guddoomiyuhu in dhaqaatiirta hadafkoodu uu yahay
sidii loo garab istaagi lahaa howsha adag ee ay hayso Wasaaradda
caafimaadka, isla markaana la muujiyo isku duubni iyo ka wada shaqeynta
sidii arrintan wax looga qaban lahaa.
“Shacabkeena marka ay isku duubnaadaan wax weyn ayay soo saari karaan, runtii wacyi gelin joogta ah ayaan sameyneynaa Insha Allah, guddi ayaan sameynay guddigaas si toos ah ayay ula shaqeyn doonaan Wasaaradda caafimaadka, Alle ha nagu garab galo howsha
aan qabaneyno” ayuu yiri guddoomiyaha ururka Dhaqaatiirta Soomaaliyeed.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Danjire Dr. Cali Saciid
Fiqi oo kulankaas ka hadlay ayaa ku dheeraaday halista cudurkan iyo
xaalada adag ee dalku ku jiro wuxuuna xusay in DF ay wado dedaalo ay uga
hortagayso cudurkan inkastoo awood badan aysan
laheyn, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay iney ALLE talo saartaa,
lana yimaadaan dedaal iyo feejignaan dheeri ah.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]