Talaado, Maarso, 17, 2020 (HOL)-Rag hubeysan ayaa habbeenimadii xalay degmada Laascaanood ee gobolka Sool waxaa ay toogasho ku dileen taliyihii sirdoonka gobolka oo lagu magacaabi jiray Cabdiqani Guhaad xili ku sugnaa meel aan ka fogeyn gurigiisa.
Taliyaha Booliska Gobolka Sool ee Soomaaliland Axmed Cabdullaahi Cabdi ayaa sheegay in kadib dilka Taliyaha howlgal ay sameeyeen ciidamada Booliska magaalada Laascaanood ay tiro dad ah u soo qabteen dilka.
Waxaa uu sheegay Taliyaha in dad la tuhusan yahay gacanta ku haayaan,isla markaana ay ku wareejin doonaan hay'addaha Garsoorka Soomaaliland si baaritaano dheeraad ah loogu sameeyo.
Dhawaan ayeey aheyd markii Qarax Gaarigiisa loogu xiray lagu dilay gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool guddoomiyihii Maxkamadda Gobolka Sool Xassan Sheekh Maxamuud, waxaana la sheegay in amniga magaaladaas uu araha ka baxay bilihii ugu dambeeyey.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online[email protected]