Hiiraan Online
3/28/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Isniin, Mar 16, 2020
Dowladda Soomaaliya oo joojisay duulimaadyada caalamiga ah
Isniin, Maarso, 16, 2020 (HOL)- Wasiirka caafimaadka ee Soomaaliya, Fowsiyo Abiikar ayaa maanta shaacisay in Soomaaliya soo gaaray kiiskii ugu horeeyay ee cudurka Coranavirus, iyadoo sheegtay in laga helay muwaadin Soomaaliyeed oo ku jiray xaalad karantiil ah.
Markii uu warkaan soo baxay, raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa kulan degdeg ah isagu yeeray golaha wasiiradda Soomaaliya, wuxuuna amray in la joojiyo guud ahaanba duulimaadyada caalamiga ah ee Soomaaliya imaan jiray.
Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya, Maxamed Cabdulaahi Oomaar oo talefishinka qaranka kasoo muuqday isaga iyo wasiirka caafimaadka, ayaa wuxuu sheegay inuu amarkaan dhaqan gelidoono 19-ka bishaan march.
“Laga billaabo dhamaadka maalinta 18-03-2020 ama 18-03-2020 11:59 PM waxaa muddo 15 cisho ah la hakiyay dhammaan duulimaadyada caalamiga ah (Rakaab iyo Xamuul) ee soo galaya ama ka baxaya waddanka,” ayuu yidhi wasiir Oomaar
Wasiirku wuxuu sheegay in xayiraadaan ay socondoonto muddo 15 cisho, balse wuxuu sheegay in aysan kamid ahayn duulimaadyada arimaha gargaarka.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]
Maraykanka oo soo saaray tallaalkii ugu horeeyay ee Covid19
3/16/2020 4:51 PM EST
Isniin, Maarso, 16, 2020 (HOL)- Maraykanka ayaa soo saaray tallaalkii ugu horeeyay ee lagu xakamayndoono faafitaanka cudurka Covid19, Xilli cudurkaan uu gaaray in ka badan 150 dal.
Madaxweyne Farmaajo oo war ka soo saaray caabuqa Coronavirus
3/16/2020 3:06 PM EST
Isniin, Maarso, 16, 2020 (HOL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo u diray shacabka Soomaaliyeed farriin ku aaddan caabuqa Coronavirus (Covid-19) ayaa tilmaamay in ay ka go’an tahay Dowladda Soomaaliyeed ilaalinta badqabka caafimaad ee dalka.
Sarkaal sare oo caawa lagu diley magaalada Laascaanood
3/16/2020 3:01 PM EST
Isniin, Maarso, 16, 2020 (HOL)-Madixii hay'adda nabad sugida gobolka Sool ayaa toogasho lala beegsaday xili uu gurigiisa sii gelaayey sida ay sheegeen dad ka dhowaa.
Guddoomiyaha Gobalka Banaadir oo Amison kala wareegay xaruntii lagu daaweyn jiray bukaan socodka
3/16/2020 11:56 AM EST
Isniin,Maarso, 16, 2020 (HOL)- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish), ayaa toban sanno ka dib wuxuu Hogaanka Amisom ee Soomaaliya kala wareegay Xarunta O.P.D. oo Amisom u ahayd goob lagu daweeyo dadka bukaan socodka ah, waxa kale oo Duqu uu la wareegay Matooro Casri ah oo xaruntaasi loogu adeegi jiray.
Madaxweyne Axmed Madoobe oo ka hadlay taliye sheegay in Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ka codsadeen inuu weeraro Af-Madow
3/16/2020 11:40 AM EST
Isniin,Maarso, 16, 2020 (HOL)- Madaxweynaha Maamul Goballeedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe), ayaa ka hadlay jiritaanka war dhawaan ka soo yeedhay Taliyaha Ciidanka Daraawiisha Af-madow Gaashaanle Mahad Maxamed Islaam oo sheegay in Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Taliyaha Ciidanka Nabad Sugidda Soomaaliya Fahad Yaasiin ay u soo bandhigeen inuu kala shaqeeyo siddii ciidamada Xoogga Dalku ay u qabsan lahaayeen Af-madow.
Dowladda Soomaaliya oo xaqiijisay qofkii ugu horreeyay ee qaba cudurka Coronavirus
3/16/2020 8:52 AM EST
Isniin,Maarso, 16, 2020 (HOL)-Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in kiiskii ugu horeeyay ee Corono Virus laga helay muwaadin Soomaaliyeed oo hadda goob loogu talagalay lagu karantiilay.
Guddiga arimaha bulshada barlamaanka Soomaaliya oo ku baaqay in si degeg ah loo joojiyo Qaadka
3/16/2020 7:58 AM EST
Isniin, Maarso, 16, 2020 (HOL)- Gudiga arimaha bulshada ee golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ku baaqay in si deg deg ah dalka looga joojiyo Qaadka ka yimaada Dalalka Dariska ah.
Kenya oo dib usoo celisay diyaaraddo dagaal oo maalmiihii ugu dambeeyay dul heehaabayay gobolka Gedo
3/16/2020 7:24 AM EST
Isniin, Maarso, 16, 2020 (HOL)- Diyaaradaha dagaalka ee ciidamada cirka Kenya ayaa ka duulay hawada maamulka Jubaland ka dib isku dhacyo dhexmaray ciidamada Jubbaland iyo kuwa dowladda federalka, kuwaas oo gudaha iskula galay Mandheera.
Dowladda Soomaaliya oo go'aan ka qaadaneysa duulimaadyada ka yimaada dalalka Kenya iyo Itoobiya
3/16/2020 2:18 AM EST
Isniin, Maarso, 16, 2020 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa hadda ka fikireysa sida laga yeelayo duulimaayada ka yimaada dalalka Kenya iyo Itoobiya oo daris la ah Soomaaliya kuwaa oo laga helay kiis la xiriira cudurka Coronavirus
Somali News
COVID-19: Turkish Airlines suspends flights to Somalia
-
Anadolu Agency
3/16/2020 3:51 PM EST
Turkish Airlines on Monday suspended its flights from Istanbul to Somalia after the Horn of African country confirmed its first case of coronavirus and took a similar suspension.
$1m, house in Turkey and initial deposit of $80k to overthrow Madobe-soldier ‘reveals’ FGS ‘plan’
-
HOL
3/16/2020 9:38 AM EST
Kismayo (HOL) - A senior Jubbaland military commander has sensationally claimed the Federal Government is exploring means to capture parts and set base to eventually end Ahmed Madobe’s reign.
Somalia records first case of COVID-19
-
HOL
3/16/2020 9:01 AM EST
MOGADISHU (HOL) - Somalia has confirmed the first case of the novel corona virus making it the fourth country in East Africa after Kenya, Ethiopia and Rwanda to record the presence of the viral infection.
Somalia mulls suspension of flights from corona affected countries
-
HOL
3/16/2020 7:09 AM EST
MOGADISHU (HOL) - Somalia may suspend flights from countries with reported cases of the novel corona virus, the country’s aviation boss has said.
Ministry of Information, Culture and Tourism staff receive specialized training in Kenya
-
AMISOM
3/16/2020 6:59 AM EST
Fourteen directors and senior officials of the Ministry of Information, Culture and Tourism of the Federal Republic of Somalia on Saturday, March 14, returned to Mogadishu following a week of intensive strategic communications and public management training in Nairobi, Kenya.
EU calls for security meeting over Kenya-Somalia tensions
-
Daily Nation
3/16/2020 4:14 AM EST
The European Union has asked Kenya and Ethiopia to organise a security summit on cross-border cooperation following tensions on the Kenya-Somalia border.
Tension as Kenyan fighter jets fly over Jubaland
-
The Standard Digital
3/16/2020 4:05 AM EST
Kenya Air Force fighter jets patrolling the border with Somalia on Saturday flew over the airspace in Jubaland after clashes between rival forces spilled into Mandera Town.
Three people killed after ambulance runs over IED in Garissa
-
Standard Digital
3/16/2020 12:12 AM EST
Three people were on Sunday killed when an ambulance they were riding in ran over an Improvised Explosive Devise on the Sangailu-Hulugho road, Garissa County.
German officials to discuss reported U.S. attempt to buy exclusive rights to coronavirus vaccine
-
Washington Post
3/16/2020 12:08 AM EST
BERLIN — German officials will discuss a reported U.S. attempt to secure the rights to any coronavirus vaccine developed by a German pharmaceutical company in crisis meetings on Monday,