Axad, Maarso, 15, 2020 (HOL)- Warbaahinta maxalliga ah ee dalka Uganda ayaa daabacday warbixin muujinaysa in Madaxweyne Yoweri Museveni uu dib u dhigay doorashada guud ee soo socota ee Uganda taasoo ka dhalatay walaaca faafitaanka coronavirus.
"Museveni wuxuu dib u dhigayaa doorashooyinka sanadka soo socda ee 2023 sababo la xiriira coronavirus," ayaa lagu yiri ciwaanada joornaalada.
"Nolosha shacabka Uganda, waa mid aad uga muhimsan wax kastoo kale. Waxaan la tashaday wasiirradeyda waxaanna u aragnay macquul inay tahay in la hakiyo doorashada illaa iyo sanadka 2023, ”ayuu yiri Museveni.
“Dhamaan musharixiinta waa inay hada joojiyaan ololahooda oo ay gudaha joogaan. Tani waxay ilaalin doontaa dadkeenna. Doorashooyinka way imaan doonaan waana soconayaan laakiin waa inaan ilaalinaa nolosha, '' Museveni ayaa raaciyay.
Yoweri Museveni wuxuu sheegay, in COVID-19 uu noqday walaaca adduunka oo dhan isla markaana ay quruumuhu sameynayaan tallaabooyin ay uga hortagayaan fayraska ama ay ku xakameynayaan in ay sii faafaan kiisaska la xaqiijiyay.
Ugandha, majiro kiis ilaa hada la xaqiijiyey. Madaxweynaha dalkaas wuxuu dhawaan joojiyay shirkii UN-ka ee G77, kaas oo lagu qaban lahaa bisha Abriil.