Dhuusa-Mareeb: Gabadh 11sanno jir ah oo u Geeriyootay Dhaawac iyo Jidh Dil Culus oo ay soo Gaadhsiiyeen Waalidkeedu
Axad, Maarso, 15, 2020 (HOL)-Marxuumad Ikraan Mire Xaashi oo ahayd gabadh yar oo 11sanno jir ah isla mar ahaantaana u geeriyootay jidh dil iyo dhaawac culus oo ay soo gaadhsiiyeen dad ka mid ah eheleddeeda, ayaa maanta lagu aasay magaalada Dhuusa-mareeb.
Booliska Dhuusa-mareeb oo ka hadlay baadhis hordhac ah oo ay arrintan ka sameeyeen, ayaa sheegay in eedeysanayaasha loo soo qabtay ay yihiin Marxuumadda Hooyadeed iyo nin qabay gabadha yar ee Marxuumadda ah Hooyaddeed, waxaana ay u dhimatay garaacis laga soo gaadhsiiyey madaxa iyo gacmaha sida lagu sheegay baadhista.
Falkan oo ka dhacay Tuulada Jiic-Aloosin oo Dhuusa-mareeb dhinaca Waqooyi kaga began 45km, ayaa waxa faaf-faahin ka bixiyey Taliyaha Booliska Dhuusamareeb Dhamme Burhaan Axmed Rooble oo sheegay in dhacdadani ay argagax gelinayso qofka arka.
“Runtii waxaa loo geystay dil arxan darro ah, waxaana loo geystay jidh dil iyo dhibbaato aad u badan oo runtii qof Islaama oo jidhkeeda arkaa uu ka naxaayo. Goobtii markii aanu tagnay ee aanu baadhitaanka ka soo sameynay waxaan soo aragnay wax la yidhaa marag muujin ah waxyaabahii iyo agabkii ka hadhay dhacdadii meesha ka dhacay oo ah xijaabkeedii iyo timaheedii oo ay la socdaan cadad madaxa ka goo-go’ay oo marxuumadda sidii loo dilay waxaa ka mid ahayd in madaxa laga dilay oo nabaro laga gaadhsiiyey.”.
Taliyahu, waxa kale oo uu sheegay in falkan ay u soo qabteen tuhmanayaashii oo ah dadka eheladdeeda ah oo ay ku jirto Hooyadeed, waxaana uu carabka ku dhuftay inay sharciga hor-geyn doonaan isla mar ahaantaana ay Marxuumaddu heli doonto cadaalad.
“Waxaana aanu soo qabannay tuhmayaashi lagu tuhmaayey inay geysteen dhibbaatada dilka, waxaana aanu caddeynaynaa in kiiskan aanu Maxkamadda geynayno aanu sharciga hor-geyn doono”.
Aabaha gabadha yar ee Marxuumadda ah Mire Xaashi oo isna hadlay, ayaa u mahad-celiyey Booliska Dhuusa-mareeb, waxaana uu codsaday in gabadhiisa yari ay hesho cadaalad isla mar ahaantaana sharciga loo hor-geeyo eedeysanayaashii la soo qabtay.
Hiiraan Online