4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 9 , 2020
Wasiirka amniga Galmudug oo sheegay Al-shabaab in ay ku amreen odayaasha Mudug in ay ka hor yimaadaan hub ka dhigista ka socota Gaalkacyo
 

Talaado, Juun 09, 2020 (HOL) - Wasiirka amniga dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay inay jiraan qaar kamid ah odayaasha gobolka Mudug in looga yeeray degaanada kooxda Al-shabaab ay ka taliso ee kuyaala koonfurta gobolka Mudug.

Wasiirku wuxuu sheegay ujeedada loogu yeeray in ay fuliyaan awaamiir kasoo baxday ururka Al-shabaab, awaamiirtaas oo ah inay kasoo horjeestaan hub ka dhigista ka socota koonfurta Gaalkacyo iyo xaraynta kooxaha maleeshiyaadka.

“Waxaan ognahay in odayaal aan hebel iyo hebel dhihi karno in Al-shabaab kasoo waceen degaanadooda kuna dhaheen,” yaan hubka la xaraynta, yaan maleyshiyaadka la xarayn, Tani waxay caddayn u tahay inay Al-shabaab adeegsan jireen maleyshiyaadka,” ayuu yidhi wasiirka amniga Galmudug.

Wasiir fiqi ayaa sheegay odayaashii qaata amarka Al-shabaab oo degaanadooda u safra in aysan dib ugusoo laabandoonin Galmudug islamarkaana loo aqoonsandoono inay katirsan yihiin kooxaha argigixisada.

“Yaysan noosoo noqon oo Al-shabaab haka mid noqdaan, laakiin suurtagal ma ahan odey ku shaqeynaya tilmaamihii Al-shabaab inuu na dhex joogo oo xuriyad ku noolaado,” ayuu yidhi Fiqi.

Wasiirka amniga Galmudug ayaa sheegay wada shaqaynta ciidamada kala duwan ee Galmudug, Puntland iyo ciidanka Danab in ay keentay in gacanta lagusoo dhigo xubno badan oo katirsan kooxda Al-shabaab.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]