4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 9 , 2020
Ciidamo Boolis ah oo la dhigay inta u dhexeysa Muqdisho iyo Jazeera
 

Talaado, Juun 09, 2020 (HOL) - Ciidamo ka tirsan kuwa booliska dowladda Soomaaliya ayaa waxaa la geeyay waddada xiriirisa magaalada Muqdisho iyo deegaanka Jazeera ee Gobolka Shabeellada hoose ee Koofur galbeed Soomaaliya.

Ciidamadaan ayaa waxaa loogu tala-galay in ay wax badan ka qabtaan ammaanka deegaankaas oo maalmihii lasoo dhaafay ay ku dagaallamayeen maleeshiyo hubeysan.

Wararka kasoo baxayay dadka u dalxiis taga deegaanka Jazeera iyo Abaay-dhaxan ayaa waxay sheegayeen in halkaasi ay kusoo bateen maleeshiyaadka hubeysan ee dhaca u geysana dadka.

Shalay ayeey aheyd markii ay deegaankaasi booqdeen Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud “Filish”, Xildhibaan Cabdiqaadir Carabow, taliyaha booliska Gobolka Banaadir iyo taliyaha Nabad-sugidda Gobolka iyagoo u kuur galagaya xaaladda ammaanka deegaankaasi iyo waddada xiriirisa inta u dhexeysa Jazeera iyo Magaalada Muqdisho.

Ciidamadaan Booliska ah ayaa la filayaa in wax badan ay ka qabtaan amniga deegaankaas.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]