4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 8 , 2020
Ciidamada Booliska oo sheegay in ay gacanta ku dhigeen askar ka tirsan oo ku ciyaarayay sumcaddooda
 

Isniin, Juun 08, 2020 (HOL) - Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa waxay sheegeen in ay gacanta kusoo dhigeen askar ka tirsan ciidamada oo lagusoo eedeeyay in ay lacago fara badan oo laaluush ah ay ka qaadanayeen shacabka ku nool caasimadda Soomaaliya .

Arrintaan ayaa waxa uu sheegay Afhayeenka Ciidamada Booliska in ay ka dembeysay kadib markii ay xog dhameystiran ka heleen qaar kamid ah shacabka oo si wanaagsan ula shaqeeyay.

Dhamme Sadiiq Cali Aadan oo ah Afhayeenka Ciidamada Booliska ayaa waxa uu qiray in ay askartaas geyn doonaan caddaaladda horteeda , laguna qaadi doono ciqaabta ay mudanyihiin .

“aad Ayaan ugu mahad-celineynaa shacabka sida wanaagsan innoola shaqeeyay, oo runtii la’aantood aysan waxba innoo suura—galeen, waan haaynaa askrataasi waxaana hor gayn doonnaa caddaaladda “ ayuu u sheegay weriyayaasha Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegta in ay bixiso mushaaraadka Ciidamada, islamarkaana ay aad ula dagaallameyso hab-dhaqanka ku saleysan boobka iyo musuq-maasuqa. Laakiin waxaa la eegayaa sida arrinta la’dagaalnka Musuq maasuqa ah ay uga dhabeyn doonaan  ciidadamada booliska.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]