4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 8 , 2020
Nin ku labisan dharka ciidamada Dowladda oo darawal mooto Bajaaj ku dilay Ceelasha biyaha
 

Isniin, Juun 08, 2020 (HOL) - Nin la sheegay inuu ku labisnaa dharka ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagusoo warramayaa in deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka magaalada Muqdosho uu ku dilay wiil dhalinyaro ah oo darawal ka ahaa mootada Bajaajta loo yaqaanno.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay warbaahinta maxalliga ah ee Muqdisho inuu dilka dhacay kadib markii ay murmeen wiilka la dilay iyo ninka loo maleynayo inuu ka tirsanyahay ciidamada dowladda .

Wiilka la dilay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Yaxye Shariif Daahir waxaana meydkiisa la dhigay mid kamid ah xarumaha caafimaadka ceelasha biyaha .

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya shakhsigii dilka gaystay Ila wareedyada qaar ee deegaanka uu falka uu ka dhacay ayaa waxay sheegayaan inuu baxsaday qofkii dilka gaystay , halka kuwa kale ay sheegayan in ay qabteen ciidamada dowladda.

Ma jiraan warkasoo baxay dowladda Soomaaliya oo sheegaya in qofka falkaasi gaystay uu ka tirsanyahay ciidamada iyo in kale. Dhowr jeer oo hore ayey ciidamada dowladda dil u geysteen dhalinyarada ka shaqeysta mootada Bajaajta oo ah tan ugu badan oo gaadiid ahaan looga isticmaalo dalka .

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]