4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 7 , 2020
Faransiiska oo sheegay in ay dileen hoggaamiyahii Alqaacidda ee Waqooyiga Afrika Abdelmalek Droukdel
 

Axad, Juun 07, 2020 (HOL) - Ciidamada dalka Faransiiska ee ka howl-galaya dalka Mali  ayaa waxay sheegeen in ay dileen hoggaamiyahii Alqaacidda ee waqooyiga Afrika Abdelmalek Droukdel, kadib markii ay tilmaameen in weerar qorsheysan oo si fiican looga baaraan-degay ay ku qaadeen goob uu ku sugnaa oo ku taalla jihada waqooyi ee dalkaasi.

Waxay sidoo kale sheegeen in ay la dileen saraakiil sare iyo ciidamo ilaalo u ahaa oo isla goobta la joogay.

Wasiirka gashaan dhigga Faransa Florence Parly ayaa weriyayaash u sheegay in weerarka hoggaamiyahii Alqaacidda ee waqooyiga Afrika lagu dilay uu dhacay Arbacadii aynu soo dhaafnay.

Waxa uu sidii kale qeexay in ciidamada Faransiisku ay sidoo kale gacanta ku dhigeen sargaal sare oo Alqaacidda ka tirsan oo si weyn loo naawilayay,  kaas oo ay hadda hayaan, waxa uuna gacanta ciidamada soo galay bishii May,  sida uu wasiirkaasi tilmaamay.

"Innaga oo kaashaneyna saaxiibbadeenna waddamadaasi saxaraha ku yaalla,  waxaan sii wadeynaa howl-gallada noocaan ah " ayuu wasiirka gaashaan dhigga Farnsiiska Florence Parly warbaahinta u sheegay.

Waa Kuma Abdelmalek Droukdel?

Wuxuu ahaa hoggaamiyahii Alqaacidda ee Magrib ee "AQIM" loo yaqaanno,  wuxuuna jiray da'da afartameeyo sano , waxaa la sheegaa inuu kamid noqday dadkii kasoo dagaallamay Afganistan, waxa uuna ahaa nin ay aad isugu dhowaayeen xagga aragtida hoggaamiyahii Alqaacidda ee Ciraaq Abu Muscab Assarqaawi.

Ururada isu tegay ee ka dagaallama waqooyiga Africa ee hoos yimaada Alqaacidda ayaa waxay qaadeen weerarro khasaaro badan gaystay oo ay kamid ahaayeen  kii lagu qaaday hotel ku yaalla caasimadda Burkina Faso ee Ouagadougou,  weerarkaas oo lagu dilay 30 ruux,  halka lagu dhaawacay 150 qof oo kale.

Maxkamad ku taalla dalka Algeria ayaa sanadkii 2012-kii ku xukuntay dil,  isagoo ka maqan dalka, waxaana xilligaas lagusoo eedeeyay Marin habaabinta dadka , ku biirinta dhowr qof ururro aan la ogoleyn iyo kamid ahaanshiyahiisa kooxo argagaxiso ah,  sida kiiskiisa loo dhigay,  waxaa sidoo kale lagu eedeeyay  inuu abaabulay weerro qaraxyo loo adeegsaday.

Waxyaabaha sidoo kale gal-dacwadeedkiisa lagu qoray waxaa kamid ahaa qarax ka dhacay Caasimadda Algeria ee Algiers sanadkii 2007-dii ,  waxaa xilligaasi weerarkaas ku dhintay  22 ruux in ka badan 200 oo qofna  way ku dhaawacmeen

Warbixin uu horay usoo saaray Golaha ammaanka ee QM ayaa lagu sheegay in ninkaasi  uu yahay khatar weyn,  caanna ku ah waxyaabaha qaraxyada la xiriira.

Ma jiraan weli war kasoo baxay Alqaacidda ee la xiriira hadalkaan Faransiisku ay ku sheegeen in ay ku dileen hoggaamiyahii kooxdaasi u qaabilsanaa Waqooyiga Afrika.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]