4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 6 , 2020
Madaxweynaha Kenya oo sii kordhiyay xayiraada saaran dadweynaha Kenya
 

Sabti, Juun 06, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa muddo 30 maalmood ah kusii kordhiyay xayiraada isu imaatinnada dadweynaha si loo xakameeyo faafitaanka coronavirus.

Madaxweynuhu wuxuu sii adkeeyay xannibaada gelitaanka iyo ka bixitaanka caasimadda Nairobi iyo gobollada Mombasa iyo Mandheera inta isla muddadaas lagu jiro.

Kenyatta ayaa hadalkaan ku sheegay khudbad uu maanta telefishinka ka jeediyay, isagoo sheegay inuu jiri doono bandow habeenkii oo dhan oo soconaya 30 maalmood

Kiisaska Covid19 ayaa kor u kacay dalka Kenya waxayna sabtidii maanta gaareen 2,600, kadib markii la diiwaan galiyay 126 qof oo dheeri ah.

Madaxweyne Kenyatta, ayaa khudbadiisa uu ka jeediyay aqalka Madaxtooyada ee magaalada Nairobi, ku sheegay in dhimashada ay sidoo kale gaartay 83 qof kadib markii 4 bukaan ay u dhinteen cudurka.

Madaxweynaha ayaa ku boorriyay dadka reer Kenya inay samir muujiyaan, isagoo sheegay in dowladdu ay ka shaqeyneyso qorshe ah in dhaqaalaha dib loo furo, iyadoo aan noloshooda loo soo bandhigin masiibada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]