4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 5 , 2020
Haweeneydii reer Nigeria ee falka foosha xun lagula dhaqmay oo diiday in dalkeeda lagu celiyo
 

Jimco, Juun 05, 2020 (HOL) - Haweeneydii u dhalatay  Nigeria ee dhowaan lagu xayasiiyay Facebook-ga , kuna nooleyd gudaha dalla Lebanon ayaa diiday in lagu celiyo waddankeedii hooyo, sida ay sheegeen madaxda Jaaliyadda Nigeria ee Beirut.

Gabadhaan ayaa waxaa macluumaadkeeda lasoo dhigay Facebook-ga , iyadoo lagu iibinayo Kun doollar, waana dumarka guryaha ka shaqeeya, waxaa soo badbaadiyay Dowladda Lebanon, kadibna waxaa lagu wareejiyay safaaradda dalkeeda uu ku leeyahay Caasimadda Wadankaasi.

Arrintii ku aadaneyd in macluumaad iyada lagu iibinayo lasoo dhigo Facebook-ga ayaa dhalisay caro xooggan, waxaana lasoo xiray ninkii falkaasi ka dembeeyay.

Haweeneydaan oo 30 jir ah hadda ka shaqeysata gudaha Lubnaan, kadib markii ay diiday in loo celiyo Nigeria.

Madaxa Jaaliyadda Abike Dabiri-Erewa ayaa waxay sheegtay in ay  dhowr jeer la fadhiistay si dalkeeda loogu celiyo, balse ay  guul-dareystay.

 “Xitaa waxaa la hadlay xoghaya Gobolka Oyo State oo ah halkii ay ka timid, waxaana u sheegnay in xitaa ay jirto rajo ah in Nigeria ay ka heleyso shaqo, taas oo qiima u leh nafteeda, kana bedallan habkaan addoonsiga u ‘eg , waana lagu kari waayay” ayay Marwo Dabiri-Erewa u sheegtay BBC-da qeybta Afrika la hadasho.

Dowladda Nigeriya ayeey sheegtay in ay dib u celisay 69 kamid ah 79 dumar Nigerian oo Lubnaan joogay, halka 69 hablood ee la celiyay ay ku jiraan xaalad karaantiil ah .

Safaaradda Nigeria ee Lubnaan ayaa joojisay bixinta VISA-ha dumarkii shaqada usoo doona jiray waddankaas, tan iyo wixii ka dembeeyay dhacdadaasi.


Abdiaaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]