4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 5 , 2020
Fanaankii weynaa ee Cabdi Tahliil Warsame oo Muqdisho ku geeriyooday
 


Jimco, Juun 05, 2020 (HOL) - Waxaa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday allaha u naxariistee fannaankii caanka ahaa ee Cabdi Tahliil Warsame oo muddo dhowr sano ah ku xanuunsanaa dalka.

Geerida fannaanka Cabdi Tahliil waxaa xaqiijiyay bahda fanka iyo qoyskiisa,  iyagoo Alle uga baryay inuu u naxariisto.

Wuxuu ahaa fannaan cod wanaagsan oo heeso badan oo la jeclaa qaadi jiray,  waxaana kamid ah heesahaasi lagu xusuusan doono Cabdi Tahlil Warsame "Gaaraa-bidhaan , Xoodaamo,  la yiri kaftan reer magaal , Soomaaliya Soomaali baa leh " iyo heeso badan.

Alle ha U Naxariistee Fannaan Cabdi Tahliil Warsame ayaa dadka sida dhow u yaqaannay waxay sheegeen inuu ahaa nin Afgaaban oo Soomaali jecel.  Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay ayaa ka tacaiyeeysay geeridiisa.

Fannaanka geeriyooday ee Cabdi Tahliil Warsame wuxuu ka mid ahà hobolladii ugu magaca dheeraa kooxdii fanka ee Waabari

Abdiaziz Ahmed Barrow,  Hiiraan Online
[email protected]