4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 4 , 2020
Dowladda dhexe oo Galmudug ku wareejisay agab caafimaad


Khamiis, Juun 04, 2020 (HOL) - Diyaarad sidday agab caafimaad ayaa ka degtay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug,  waxaana loogu tala-galay qalabkaasi degmooyinka Cabudwaaq iyo Balanbal sida lagasoo xigtay ilo wareed ku sugan halkaas.

Wararka waxay tilmaamayaan in diyaaraddaas ay dirtay dowladda dhexe ee Soomaaliya si looga jawaabo cabasho ka timid dadka ku nool degmooyinkaas oo ka cabanayay xanuunka Coronavirus oo qaar kamid ah bulshada soo ridanayay sida ay sheegayaan wararka innagasoo gaaraya halkaas.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa qalabkaasi caafimaad lagu wareejiyay, waxaana la filayaa in dhowaan loo gudbiyay degmooyinka Cabudwaaq iyo Balanbal oo loogu tala-galay.

Maamulka Galmudug waxaa uu kamid yahay meelo dhowaan lagasoo sheegayay in uu saameyn adag ku yeeshay COVID-19.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]