7/12/2020
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 30, 2020
Soomaaliya iyo Yemen oo loo aqoonsaday halka ay ka dhacaan dambiyada ugu weyn dunida ee kalluumaysiga sharci darrada ah


 

Talaado, Juun 30, 2020 (HOL) - Hay’adda caalamiga ah ee la socoshada kalluumaysiga ee (GFW) ayaa shaacisay dalalka Soomaaliya iyo Yemen inay yihiin halka ay ka dhacaan hawlgallada kalluumeysiga sharci darrada ah ee ugu weyn adduunka.

Ku dhawaad 200 oo maraakiib Iiraan ah oo laga helay biyaha Soomaaliya iyo Yemen ayaa ka mid ah hawlgallada kalluumeysiga sharci darrada ah ee la diiwaan galiyay sanadkaan 2020.

GlobalFishing Watch (GFW) ayaa dowladda Soomaaliya la wadaagtay warbixin kusaabsan sirdoonka Kalluumaysiga. Warbixinta waxaa sidoo kale lala wadaagay dowladaha ay quseyso iyada oo loo marayo Guddiga Badweynta Hindiya (Indian Ocean Tuna Commission) (IOTC) iyo Fish-i Africa.

Warbixintu waxay daaha ka rogaysaa kalluumeysiga sharci darrada ah ee baahsan ee ka jira biyaha Soomaaliya isla markaana taariikh ahaan xiriir la leh dhibaatooyinka burcad-badeednimadii ka jirtay Soomaaliya. Maraakiibta kalluumeysiga ee gobolka ayaa dhowaan bilaabay inay adeegsadaan nidaamka aqoonsi otomaatig ah (AIS).

GFW waxay ogaatay in maraakiib baddan oo reer Iiraan ah ay si balaadhan uga hawl galaan aagagga dhaqaale ee gaarka ah ee Soomaaliya iyo Yemen (EEZs), iyo dhinaca badaha sare ee ku xiga.

Qaybo yar oo ka mid ah maraakiibta ku goosha calanka Hindiya, Pakistan iyo Srilanka ayaa sidoo kale lagu aqoonsaday aagaggan.

“Gobolku wuxuu wajahayaa caqabado waa weyn oo la xiriira sidii loo gaari lahaa maamul maareynta badweynta. Soomaaliya iyo Yemen labadaba waxaa ku yaraaday awoodooda amniga badaha iyadoo ay wiiqeen daganaansho la'aan iyo dagaal sokeeye, taas oo biyahooda ka dhigaysa mid aan la soo sheegin kalluumeysiga aan sharciyeysnayn,”ayaa lagu yidhi warbixinta.

Si kastaba ha noqotee, dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada, iyagoo la shaqeynaya Bangiga Adduunka iyo Kalluumeysiga Afrika, waxay sameeyeen horumar wanaagsan oo ku saabsan xoojinta shatiga iyo la socodka howlaha kalluumeysiga iyo la dagaallanka burcad badeedda.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]









Click here
6/30/2020 7:05 AM EST
Talaado, Juun 30, 2020 (HOL) - Bangiga Adduunka ayaa oggolaaday mashruuc ku kacaya $ 40 milyan oo ah Kaalmo Horumarineed oo Caalamiga ah (IDA) oo loogu talagalay Soomaaliya taas oo qayb ka ah Barnaamijka Waxqabadka Degdegga ah, si wax looga qabto khatarta Ayaxa iyo xoojinta nidaamyada u diyaarsanaanta dalalka dhibaatadu ka jirto ee Afrika iyo Bariga Dhexe.

6/30/2020 2:43 AM EST
Talaado, Juun 30, 2020 (HOL) - Sida ay qoreen Warbaahinta Itoobiya heesaaga ahna Abwaanka Haacaaluu Hundeessaa oo kasoo jeeday qowmiyadda Oromada ee waddankaas ayaa lagu toogtay caasimadda Addis Ababa .

6/30/2020 2:32 AM EST
Talaado, Juun 30, 2020 (HOL) - Guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, ayaa sheegay kursiga meel kale loo bedelanayo in ay mustaqbalka keenidoonto in kursigaas beesha iska leh ay lumiso.

6/30/2020 2:25 AM EST
Talaado, Juun 30, 2020 (HOL) - Wada-hadal khadka taleefanka ah oo ay yeesheen wasiirrada arrimaha dibadda dalalka Itoobiya iyo Shiinaha Gedu Andargachew iyo Wangi Yi waxay kusoo hadal qaadeen arrimaha muranka biyaha Nile ee u dhexeeyay dalalka Itoobiya, Suudaan iyo Masar. Waxaana lagu sheegay in loo baahanyahay in xalka arrintaasi loo maro wada-hadal sal u noqda iyo is-Af-garad iyo heshiis.

6/30/2020 2:20 AM EST
Talaado, Juun 30, 2020 (HOL) - Dad fara badan ayaa ka cararaya magaalada ku taalla xeebta ee Mociboada Praia ee waqooyiga dalka Mozambique, kadib dagaallo xooggan oo halkaasi ka bilowday una dhexeeya ciidamada dowladda iyo maleeshiyada koox Islaami ah.

6/30/2020 2:13 AM EST
Talaado, Juun 30, 2020 (HOL) - Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa waxa uu hambalyo u diray madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Malawi Lazarus Chakwera, kaas oo dhowaan ku guuleystay doorashadii dalkaasi ka dhacday.

6/30/2020 1:54 AM EST
Talaado, Juun 30, 2020 (HOL) - Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Amb. Axmed Ciise Cawad, ayaa u hambalyeeyay danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Abuukar Daahir Cusmaan (Baalle) oo loo doortay inuu noqdo madaxweyne ku xigeenka golaha guud ee qaramada Midoobay.