4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 24, 2020
Qaar kamid ah senatorada aqalka sare oo kasoo horjeestay hadalkii kasoo yeeray guddoomiyaha aqalka sare


Arbaco, Juun 24, 2020 (HOL) - Senataro katirsan guddigii loo xilsaaray dhameystirka xeerarka doorashooyinka Soomaaliya, ayaa kasoo horjeestay hadal kasoo yeeray guddoomiyaha aqalka sare, kaasoo sheegay in wax laga bedelay xeerarka guddigaan soo saareen ee loo gudbiyay barlamaanka labadiisa aqal.

Senatarada oo shir jaraa’id Muqdisho ku qabtay ayaa gef ku tilmaamay hadalka guddoomiyaha aqalka sare, waxayna sheegeen afarta xeer ee barlamaanka haatan gacanta uu ku hayo labo kamid ahna uu ansixiyay ay yihiin afartii xeer ee rasmiga ahaa, iyagoo beeniyay in wax laga bedelay.

“Waxaan halkaan ka caddeynayaa in sharciyada horyaala golaha shacabka ay yihiin sharciyadii aan soo dhameystirnay, oo illaa hadda labo sharci oo kamid ah la ansixiyay, kuwaas oo kala ah, sharciga kootada haweenka iyo sharciga doorashada wakiilada Somaliland, hadana gacanta lagu hayo matalaada gobolka Banaadir,” ayuu yidhi mid kamid ah Sanatorada la hadlay saxaafada.

Waxay ku eedeeyeen guddoomiyaha aqalka sare inuu caqabad ku yahay meel marinta xeerarka lagu maamulayo doorashooyinka Soomaaliya islamarkaana uu ku guuldaraystay inuu ka qeyb qaato masuuliyadda ka saaran dhameystirka iyo meel marinta xeerarka horyaala barlamaanka aqalka hoose.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]